Latest News

Cabduljabbaar Xuseen Looyarkii U Doodi Jiray Maxaabiista Siyaasadda Oromada Ah Oo Lagu Dilay Hadaamo

Haadaamo,August 12,2021(Haatufonline)- Canduljabbaar Xuseen oo ahaa laayarkii u doodi jiray maxaabiista siyaasadda ugu xidhan dalka Itoobiya ee kasoo jeeda qawmiyadda Oromada sida Jowhar Maxamed ayaa maydkiisii shalay laga helay guri ku yaalla magaalada Haadaamo.

Maydkii marxuumka ayaa la sheegay in loo qaaday dhinaca Addis Ababa si dhakhaatiirtu u baadhaan sababta uu u dhintay hasayeeshee ilaa hadda wali ma jirto cid loo aanaynayo dilka looyarka amaba duruufihi ku xeernaa geeridiisa.

Connect with us on Facebook