Latest News

Alshabaab Oo Khasaare Balaadhani Kasoo Gadhay Dagaal Dhulka Iyo Duqeyn Cirka Ah Oo Ka Dhacay Koonfurta Mudug

Dhuusamareeb,August 25,2021(Haatufonline)- Siday sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somalia,ugu yaraan 90 ka mid ah dagaalyahanada ururka Alshabaab ayaa shalay lagu dilay agagaarka tuulada Camaara ee ku taal koonfurta gobolka Mudug kadib marki u halkaas dagaal ku dhex maray iyaga iyo ciidamada dawlad goboleedka Galmudug oo uu taageerayo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Ciidamada Alshabaab ayaa sida la sheegay u khasaaraha ugu badani soo gaadhay markii tuulada Camaara oo ay doraad dib u qabsadeen shalay laga saaray ka dibna ay ciidamada Maraykanku la beegsadeen duqayn cirka ah.Taliska guud ee ciidamada Maraykanka u qaabilsan Afrika ayaa warsaxaafadeed ay shalay soo saareen ku sheegay in diyaaradahooda dagaaku ka qaybqaateen dagaalkii ka dhacay deegaanka Camaara isla markaana aysan ilaa hadda jirin wax muujinaya in dad rayid ah khasaare kasoo gaadhay duqayntaasi.Taliska Afrika ee ciidamada Maraykanku waxay sheegeen in ciidamada Somalia iyo kuwooduba ay si wadi doonaan dagaalka lagula jiro Alshabasb si looga badbaadiyo dhiigga dadka shicibka ah ee ay xalaalaysteen. Intaas waxay ku ladheen in ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykankuba ka taxadiraan in hawlgalada militari  ee ka dhanka ah Alshabaab ay waxyeelo kasoo gaadho dad rayid ah taasoo ay yidhaahdeen inay kaga duwanyihiin Alshabaab oo iyadu shicib iyo ciidan cidna u kala aabo yeelin.

Connect with us on Facebook