Ikraan Oo Galafatay Farmajo Iyo Fahad Yaasiin Iyo Dhammaan Saraakiisha Ciidamada Oo Qaatay Amaradii Rooble
Muqdisho,September 6,2021(Haatufonline)-24 kii saacadood ee ina soo dhafay ayaa waxay dhulka la simeen wixii awoodo iyo sumcad ay lahaayeen labadii nin ee ugu tunka weyna mudada dheer xukuumadda Somalia ee la kala odhan jiray Farmaajo iyo Fahad Yaasiin kadib markii ay fashilaad weyni kasoo gaadhay qaabkiii ay uga jawaabeen go’aankii uu raiisal wasaare Rooble xilka kaga fadhiisiyey taliyihii Nisa Fahad Yaasiin ee uu Farmaajo ka horyimid kuna sheegay qayrul distooriga.
Farmaajo iyo Fahad Yaasiin halkan-ba soomay dhigan in Rooble iyo cid kale toona ay ku dhici karto inay faraha lasoo gasho oo ka hortimaaddo hayada Nisa oo labadoodu iska lahaayeen.Laakiin mudo aad u gaaban oo saacado gudahood ah ayuunbay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin dhex fadhiisteen kiiskii Ikraan Tahliil kaasoo mar qudha labadoodiiba wada galaaftay.
Maanta Farmaajo iyo Fahad waxay ka madhanyihiin awoodihii xoogga weynaa ee u saamaxay inay muddo 5 sanadood ku dhawaad ah dalka Somalia xuurto ku haystaan ee laga furfuri kari waayey oo ciidamadii ay isku halaynayeen waxay caawa dhamaantood ka amar qaataan Rooblihii ay u haysteen miskiin yar oo ay meesha dhigteen balse ka faaiidaystay dhiidhigii ay galeen dabadeed labadoodaba hogaanka u jaray.