Latest News

Xasan Xundubey Oo Ka Baqay Inuu Qoro Warqaddi Lagu Eryi Lahaa Fahad Yaasiin Iyo Rooble Oo Abtiyaaladii Codsi Ka Diiday.

Muqdisho,September 7,2021(Haatufonline)-Raiisalwasaaraha Somalia Xuseen Rooble ayaa ka hor intii aanu isagu shaacin go’aankisii u shaqada kaga caydhiyey Fahad Yaasiin waxa uu wasiirka Amniga Xasan Xundubey ku amray inuu isagu qoro warqadda shaqo-ka-fadhiisinta ee ku socota Fahad Yaasiin.Hasayeeshee wasiir Xundubey ayaa si badheedh u diiday in qoraalka eriga Fahad ka baxo xafiiskiisa iyadoo u ku saxeexan yahay magaciisu.

Xubnaha golaha wasiirada Somalia ayaa dhamaantood marka laga reebo wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Carab ka amar qaadan jiray Fahad Yaasiin mudadi uu Rooble xilka raiisalwasaare-nimada soo hayey oo dhan gaar ahaan wixii ka dambeeyey waqtigii mudo-kordhinta la laalay oo farogalintii Fahad Yaasiin ee hawlahii golahaasi cirka isku shareertay iyadoo wasiirkastaa ogaa in bustehiisu dibadda yahay hadii uu fulin waayey amarada Fahad siiyo.Si kale hadii aynu u dhigno ma jirin gole wasiiro ah oo uu raiisalwasaare Rooble si dhab ah u xukumayey.

Rooble qudhidiisa ayaa ka dib markii la magaacabay aan dan ka galin in Fahad Yaasiin golaha ku dul xukumo maa daama uu magacaabistiisa lahaa Fahad oo abtigiis ah .Hasayeeshee Rooble waxa caawiyey khilaafkii xooganaa ee ku saabsanaa doorashooyinka iyo arintii mudo kordhinta taasoo keentay in Rooble xal noqdo oo mucaaridkii iyo Farmaajaba ay khasab ku noqotay inay aqbalaan in raiisalwasaaruhu noqdo cidda dalka gaadhsiinaysa doorashadii mudada dheer lagu muransanaa qaabka qabashadeeda,wuxuna tiraba dhawr jeer qaaday talaabooyin aanay jeclaysan bahda Farmaajo oo ay u dambaysay xil-ka-xayuubintii Fahad Yaasiin oo ka hor intaanay dhicin uu xata abtiyaaladii ka diiday codsi ahaa in aanu Fahad shaqada ka eryin.

 

Connect with us on Facebook