Latest News

Buurmadow Oo Kusoo Hungoobay Xamar Shan Kunoo $ Mahdi Siiyey Ayu Kala Soo Noqday

Muqdisho,September 11,2021( Haatufonline)- Nikii Buurmadow oo baryahan busaarad la jiifay Imaaraatka ayaa todobaadkii hore ka ambabaxay magaalada Xamar halkaas oo muddo 9 maalmood ah ku sugnaa..Buurmadow waxa uu Xamar u tagay dhexdhexaadinta qolo caloshood- u- shaqaysteyaal reer Somaliland ah oo muddo isku haystay cad quudheed nimanka Walaweyn u tuureen oo ay dabeeto qaybsan kari waayeen. Buurtu waxa uu is-yidhi arsaaqad malaha taas ayaa kugu dhaw balse kadib markii uu Mashruuci dhameeyey isagoo filanayey in Farmaajo loo geeyo ayaa waxa lagu yidhi madaxweynuhu wuu joojiyey inuu cid arko ka baxsan Fahad Yaasiin iyo kooxdiisa.Xubnihii dawladda Farmaajo ayaa dhamaantood lacagihii ay dalkooda ka dhaceen oo dhan u diray bankiyo dibadaha ah oo ay xisaabo uga furanyihiin oo afka boodh soo wada marsaday.

Aakhirkii Mahdi Guleed oo madax u ah qayb ka mid ah caloshood u shaqeysteyaasha ayaa Buurta shan kunoo doolar oo uu ku ambabaxo meel uga soo qaaday.

Shanta kun waata ku jirta jeebk sare ee shaadhka u gashanyahay ee ka eeg sawirka Buuradow ee warkan la socda

 

 

Connect with us on Facebook