Latest News

Somaliland Iyo Kooxaha Qarannimadeeda Dagaalka Kula Jira Iyagoo Diinta Ku Gabanaya

FAALLO

Imisa jeer ayuu Eebe Quraanka inagu yidhi miyaydaan wax u fiirfiirsanaynin.

Wadaadada Kooxaha xagjirka ah ee Somaliland waxay dagaal xoog ah ku hayaan danaha Qaranka Somaliland iyo mustaqbalkiisa.

Kooxaahan oo gacanta ku haya 95% madaariska, dugsiyada gaarka ah iyo Masaajidada ee dalka waxay iyagoo magaca diinta ku gabanaya dagaal afka ah oo aad u xun ku hayaan distoorka iyo Qaranimada Somaliland.

Dagaalkooda oo waji diimeed ay dadka ugu tusaan waxay la bartilmaameedsadaan Distoorka Somaliland oo ay baadil ka dhigaan nidaamka Dimuquraadiga ah.

Waxa kale oo ay bartilmaameedsadaan dugsiyada naadirka ah ee ka badbaaday iyagu in ay dollar ku urursadaan kuna fidiyaan Wahaabiyadda.

Goobahaasi ay weerarka ku yihiin waxa ka mid ah Xarunta Dhaqanka Hargeysa  Dugdiga Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo.

Nasiibdarada dhawaan Somaliland ka dhacday ayaa ahayd Kooxaha diinta ee mayalka adag inay la wareegeen hogaankii Golaha Wakiilada Somaliland.

Tan iyo matkii Golaha Wakiilada Somaliland uu gudoomiye u noqday Cabdirisaaq Khaliif oo ah xubin muhiim ah oo firfircoon oo ka tirsan kooxda Ictisaam waxa golaha wakiilada laga shaqaalaysiiyay la taliyayaal ka soo jeeda koox diimeedyada Ictisaam.

9ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada Somaliland oo xabsiga ku booqday Coldoon ayaa ah dhoolatuskii ugu horeeyay uguna waynaa ee ilaa hada ay sameeyaan kooxdiimeedyada mayalka adag ee la wareegay gacan ku hayntii aqalka hoose ee sharci dajinta Somaliland.

Coldoona nacas maaha ee waa mikirifoon ka mid ah kuwa ay wadaadado xumayaashaasi adeegsadaan.

Sidoo kale waxa adeegsada Coldoon cadowga Somaliland ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.Waxana booqashadoodu fariin u diraysaa N&N iyo cadowga Dalka.

 

Connect with us on Facebook