Latest News

Ma La Isku Halayn Karaa Taawarka Madaarka Muqdisho Ee Isgaadhsiintii Bakhtiistay Si Aan Loo Ogaan Diyaaradi Sidday Fahad Yaasiin

Muqdisho,September 23 2021(Haatufonline)-Waxa wali la isweydiinaya siday Fahad Yaasiin ugu suurtogashay inuu kusoo noqdo magaalada Xamar ee uu dhibyaraanta madaarkeeda uga soo dago maalinti doraad iyadoo ay aheyd maalinti Sabtidii markii lagu xanibay madaarka Jibuuti ee dib loogu celiyey Turkiga halkii uu Muqdisho ka tagi lahaa.

Hadaba waxa soo ifbaxaya warar markii hore dahsoonaa oo hadda wax ka iftiiminaya sirta ku jirtay soo noqoshadi Fahad Yaasiin ee waabarigii Salaasadi dhaweyd.

Fahad Yaasiin waxa dalka Turkiga kasoo qaadday diyaarad nooceeda loo yaqaan GulfStream oo saacadi lagu kiraysto $7000 taasoo kharashka ku baxaya ilaa Muqdisho ka dhigaysa $ 50,000 kadib markii ay diideen Qadar Airways iyo Turkish Airlines.Xata Ethiopian Airlines ayaa ka noqotay tikidh Istanbuul-Muqdisho ahaa oo ay ka iibisay.

Maalmihii uu Turkiga ku sugna Fahad Yaasiin waxa uu waqtigiisa inta badan ku qaatay telefoon uu kula soo xidhiidhayey Farmaajo,Cabillaahi Kulane Jiis,Yaasiin Faray,Ciidanka Duufaan,madaxa Taawarka laga hago diyaaradaha ee madaarka Muqdisho iyo waliba niman kale oo ka mid ah ragga ku xidhan.

Fahad Yaasiin waxa uu laaluushay dhammaan shaqaalihi Taawarka hagidda duulimaadyada ee madaarka Muqdisho isagoo lacagta uu ku laaluushay ugu dhiibay madaxdooda.Waxa dhacday in habeenimadii Isniintii ee ay Salaasadu soo galaysay la wada bakhtiiyey isgaadhsiintii Taawarka oon dib loo shidin ilaa ay soo cagadhiganaysay madaarka diyaaraddi GulfStream ka aheyd ee sidday Fahad Yaasiin. Hadaba markii uu waagu qalalac yidhi ayey diyaaradii laydhka loo bakhtiiyey kasoo dagtay dhabihi ay isticmaali jireen diyaaradaha Milatarigu iyadoo ay diyaaradda hoosteeda ku sugayeen ciidan aad u habaysan oo ka kooban dagaalyahanadi Alshabaab ka tirsanaan jiray waxaynya Fahad Yaasiin saareen gaadhi aanay rasaasta caadiga ahi karin (bullet proof) oo ay ku sii galbiyeen ilaa Villa Somalia halkaasoo uu Farmaajo ku sugayey.

Hadaba suaasha taagani waxa weeye ma la isku halayn karaa oo nabadgelyada diyaaradaha iyo rakaabkooda ma lagu aamini karaa Taawarka madaarka Muqdisho?!

Connect with us on Facebook