9 Jabhadood Oo Heshiis Ku Gaadhay In Talada Laga Tuuro Dawlada Ethiopia
Washington, November 5, 2021 (Haatufonline) – Ciidamada gobolka Tigrayga Ethiopia ayaa isbaheysi la sameystay mucaarad kale oo hubeysan oo dalka ka jira, ayaga oo wada olole meesha looga saarayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, looguna gubdo nidaam ku-meel gaar ah.
Jabhadda cusub oo loogu magac daray UFEFF ayaa dooneysa “in la dhiso dowlad ku-meel gaar ah,” si ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sida ugu dhaqsiyaha badan xilka uga dego, waxaa sidaas wakaaladda wararka AP u sheegay Yohanees Abraha oo ka mid ah aas-aasayaasha,
Yohanees ayaa sheegay in isbaheysiga cusub uu yahay mid siyaasayeed iyo mid militari. Wax xiriir ah lama lahan dowladda Ethiopia, ayuu ku daray.
Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Oromada ee OLA, Odaa Tarbii ayaa xaqiijiyey isbaheysiga cusub. Mar wax laga weydiiyey inay ka dhigan tahay bixitaanka Abiy, wuxuu ku jawaabay inay ku xirnaan doonta dowladda Ethiopia iyo dhacdooyinka toddobaadyada soo socda.
“Hadafka waa in nidaamku noqdaa mid loo dhan yahay sida ugu macquulsan. Waan ognahay in isbeddelka uu u baahan yahay dhammaan saamileyda,” ayuu yiri.
Afhayeen u hadashay dowladda Billene Seyoum ayaa u muuqatay inay jawaab ka bixisay isbaheysiga cusub, mar ay qoraal soo dhigtay twitter.
“Dhinac kasta oo diida hanaanka dimqoraadiga ah ee Ethiopia ay qaaday kama mid noqon kara dimoqraadiyenta,” ayey tiri ayada oo ula jeeda gusha uu Abiy ka gaaray doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkan.