Guddoomiyihii Maxkamadda #AlShabaab Ee Kuntuwaarey Oo Isa Soo Dhiibay
Qoryoolay,November 12,2021(Haatufonline)-Maxamed Xasan Macalin oo ahaa guddoomiyihi maxkamadda Alshabaab ee Kuntuwaarey oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa isku soo dhiibay ciidamada amaanka ee ku sugan magaalada Qoryoolay.Ninkan oo Alshabaab dhexdooda looga yaqaanay Abu Cali ayaa waxa sawirkiisa warbaahinta usoo bandhigay guddoomiyaha maamulka Qoryooley Sayid Cali Ibraahim.
Muddooyinkan dambe waxa isa soo taraysay tirada saraakiisha iyo askarta kasoo goosanaysa kooxda Alshabaab.