Latest News

Khudbada Guddoomiyaha Cusub Ee Waddani Ka Jeediyey Xidhitaanka Shirweynaha Xisbigaasi

Hargeysa, November 16, 2021 (Haatufonline) – Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa xidhitaankii shirweynaha labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo shirweynaha labaad ee Xisbiga Waddani loogu doortay Guddoomiyaha Xisbigaasi ee shanta sanno ee soo socota, ayaa khudbada uu ka jeediyey geba gebadii Shirweynaha, waxa uu kaga hadlay qoddobo kala duwan oo ku saabsan qorsheyaasha Xisbiga Waddani, doorashooyinka soo socda, marxaladda dalku marayo iyo arrimo kale.

Khudbadan Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji, waxay u dhignayd sidan:
“Salaan Qiimo badan ka dib, Waxaan mahadnaq aan la soo koobi karin usoo jeedinayaa, Guddiga qaban qaabada iyo cid kasta oo kala qayb qaadatay diyaarinta madashan quruxda badan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa ergada shirka ee ii doortay guddoomiyaha xisbiga, waxaan iyagana mahad sharafeed u soo jeedinayaa marti sharafta halkan fadhida, mahad gaar ah waxaan u celinayaa Gudoomiye C/raxmaan oo ah aasaasaha xisbigan Waddani iyo C/qaadir Jirde oo ah odayga xisbiga, oo labaduba iga mudnaa xilkan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani balse fursadan i siiyay markii ay eegeen danta xisbiga iyo duruufahooda gaarka ah. Marka koowaad waa qadarka illaahay iyo doonistiisa. Marka labaadna, Wanaag aan idinka shaqaystay ma aha ee waa niyad samidiina, raganimo aan dadka dheerahay ma aha ee waxay ku timi kal furnaantiina, in aad fursad heshaa daliil uma aha in aad dadka kale ka fiicantahay. Aad baad ugu mahadsantihiin, hamigiina Alle haydin gaadhsiiyo, filashada aad iga leedihiin Alle idinkuma hoojiyo, Hadal kuma cabiri karo wax aad iga mudantihiin balse waxaan isku deyi in aan hawraar kooban ku tilmaamo, dhamaadka khudbadayda :

Mudanayaal iyo Marwooyin

Xisbigan Waddani, oo 2012 ahaa ururka keliya ee xisbino usoo gudbay, wuxuu ilaa hada galay saddex doorasho, waxaan aaminsanahay in uu sadexdaba guul ka soo hooyay, marka la barbar dhigo xisbiga talada haya, waa xaqiiqo oo doorashadii madaxtinimada ee 2017 Waddani kuma guulsan madaxtinimada dalka, sidaa si la mid ah Kulmiye kuma guulsan doorashadii madaxtinimada ee 2003. Doorashadii labaad ee 2005 Kulmiye markii labaadna kumuu guulaysan oo waxaa hogaaminayay UDUB, balse taa bedelkeeda Waddani Doorashadii labaad oo ahayd, labadii doorasho ee isku sidkanaa wuu ku guulaystay Baarlamaankii iyo tii degaankaba, isagoo Shirgudoonkii baarlamaanka iyo Meeyaradii goboladaba kala wareegay xisbiga talada haya.

Marka dhinaca kale la iska taagana, Waddani doorashadii 2017 wuxuu Kulmiye kaga adkaaday sadex ka mid ah goboladii uu haysanjiray ilaa maalintii la aasaasay, kuwaas oo ahaa Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana Kulmiye farahiisa ku hadhsanaa Maroodijeex oo keliya, taas oo Waddani doorashadii sanadkan ka faramaroojiyay Meeyarkii caasimadda, taasina waxay muujinaysaa in bulshada Somaliland ay baahi u qabto isbedel ilaa halka u saraysa ah, sidoo kale in Waddani isu diyaariyay hanashada guusha doorashada madaxtinimadda soo socota.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Halkaa uu xisbigu maraayo maanta, oo uu noqday kan ugu balaadhan, qadarka illaahay dabadii taageerayaasha Waddani iyo intiina halkan maanta joogta ayaa sabab u ahaa, marka labaadna waxaa halkaa soo gaadhsiiyay hogaamintii hogaanka xisbiga ee talada hayay, farxad baanay ii tahay in aan ka mid ahaa, weli maynaan gaadhin halkii aynu hayaanka ku wadnay, waxaanan rejaynayaa in geedigu gaadhidoono halka aynu ku wadno oo ah, isbedel khayr qaba, insha allaahu maalmo ka wanaagsan kuwii ina soo maray oo aynu ku xaqiijino himilada umadeenu muddada dheer ay ku doonayeen dawladnimo kor u qaada hankooda, wax ka bedesha noloshooda, oo gaadhsiisa karaamo iyo sharaf, taas oo sabab u noqota in ay xaga hore ka galaan tartanka nolosha ee dunida, aakhirana ay ku tanaadaan.

Waxaa xisbiga loo aasaasay taa aynu soo sheegnay xaqiijinteeda, waxa aynu u shiraynaa waa soo celinta rejada shacabka ee ku wajahan dawladnimadda, waxaynu u soconay maaha qof qof lagu bedelo ee waa in qaabkii hogaamineed wax iska bedelaan. Ma aha keliya madaxda oo isbedesha, laakiin isbedel siyaasadeed ayaa loo baahanyahay (Not only leadership change but political change) bulshada Somaliland waxay inaga sugaysaa, siyaasadii aynu ku jeexi lahayn geedisocodka mustaqbalka ee aynu dalkan ugu jahayn lahayn yoolasha dunidu beegsanayso, oo uu xisbiga Waddanina noqdo: Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka.

Xaqiiqo ahaan waxaa igu kelifay in aan hortiina imaado oo isu sharaxo gudoomiyaha xisbiga, waa tuhunka aan naftayda ka qabo in aan hogaanka u qaban karo oo gaadhsiin karo xisbiga bartilmaameedkaa aynu kor ku soo sheegnay iyo bidhaanta hiraalka aynu haybsanayno, waxaan is leeyahay waxaad leedahay aqoonteedii oo waxaan haystaa sadex shahaado oo ah derajada labaad ee jaamacadda (Masters Degree), waxaan leeyahay khibrad maamul oo ka badan 20 sanadood iyo ogaal siyaasadeed oo aan ka yarayn dhawr iyo taban sanadood, iyada oo aan qayb ka ahaa hogaaminta xisbigan Waddani lixdii sanadood ee ugu danbaysay, anigoo shan sanadood iyo siyaado kalena, kaalin muuqata kaga jiray xukuumaddii tan ka horaysay, intaa waxaa ii dheer khibradda maamul ee aan kaga soo shaqeeyay Komishinka doorashooyinka iyo shirkadaha dalka ugu waaweyn.

Waxaan aaminsanahay in aan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u diyaarsanahay hogaaminta xisbigan iyo hay’ado ka waaweynba, hubaalna waxaa halkan fadhiya qoorweyntii xisbiga iyo odayaashii hogaanka ee aanu soo wada shaqaynay oo maanta qiyaasi kara kartidayda iyo awoodayda hogaamineed, taas oo aan filayo in ay keentay dhacdadan maanta ee aad igu doorateen, waxaanan marnaba ilaawayn doorkii muhiimka ahaa ee ay labadan oday C/raxmaan Ciro iyo C/qaadir Jirde ku lahaayeen booska aan xisbiga kaga jiray, talowadaagtii aanu lahayn iyo dhiirigelinta ay i siiyeen ee igu garab galeen hamigii iga guuxayay, waana damaca maanta keenay in aan hortiina imaado.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Hadii aad ii garateen in aan noqdo gudoomiyaha xisbiga, waxaan idiin balan qaadayaa in aan idinku hogaamin doono waxa uu dhigayo xeerka xisbiga, ilaalin doono shuruucda dalka, diyaarin doono qorshayaasha iyo barnaamijyada xisbigu u baahanyahay iyada oo aan heerarka maamul ee kala duwana la yeelandoono talowadaag, waxaan isku dayidoonaa talaabo kasta oo xisbigan waxtar u leh oo sharcigu inoo ogolyahay, waxaan ugu shaqayn doonaa si daacadnimo iyo firfircoone leh, waxaanan rejaynayaa in xisbiga iyo bulshada Somalilandba ku farxaan natiijada shaqo ee ka dhalata dedaalka iyo isku duubnida aynu dadkeena iyo dalkeena ugu shaqayno.

Waxaan codsanayaa in aynu cududa, caqliga iyo cuudkaba isu gayno oo aad gacan buuxda iyo taageero igu siisaan xilka aad ii doorateen, doonimaayo mansab ee waxaan doonayaa in aan hogaamiyo isbedel khayr qaba oo dadkaygu mahadiyo, waxa bulshadu inaga sugaysaa maaha habel iyo hebel oo reer hebel ah isku bedel ee waa in dalkeenu helaa isbedel bulsho oo taabanaya nolashooda, dhaqaalahooda, aqoontooda, wacyigooda iyo qaabka ay u fekerayaan oo aqoon iyo ilbaxnimo weheliso.( Not only political change, but social change)

Taasna waxaa mucaarad ahaan inagaga aadan oo uu yahay doorkeenu in aynu bulshada la dareen noqono, oo soo bandhigno dayaca xukuumadu samaysay, u kuur galno duruufahooda una soo tebino sida ugu haboon, mucaaradka mabda’a ahaan waxay tahay shaqadiisu in uu toosiyo wixii qaloocday, tilmaamo wixii xukuumadu ka gaabisay, farta ku fiiqno mashaariicda ay ahayd in la qabto ee baaqatay iyo in aynu ku dabagalno dawladda sida ay wax u maamushay, ujeedaduna waxay tahay umadda ayaa loo shaqaynayaa, xukuumaduna waa adeege, wixii ay qabatay waa laga sugayay, wixiise ka baaqday ayaynu kula xisaabtamaynaa, mucaaradkuna waa dheelitiraha dawladnimadda, sidaa darteed ayaana dastuurku xisbiyada uga dhigay tiir ka mid ah qaranka oo muhiim ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Marka aynu dib u milicsano, dalkan iyo dadkan aynu doonayno in aynu isbedel ku samayno, waxaa muuqata koritaan la’aan hanaanka dimuquraadiyadda guud ahaan, hay’adihii dawladda oo ah qalfoof hoosta ka madhan (fake institutions) caado-dhaqameed xunxun oo culays ku ah dawladnimadda, qiyamkii bulshadda oo dhaawac weyni soo gaadhay, waxaa isaguna aad hoos ugu dhacay dhaqaaleheenii, gaar ahaan xoolihii noolaa ee aynu ku tiirsanayn, ayay halis tahay in ay meeshaba ka baxaan, ma aha arinta dhaqaaluhu qiyaastayda ee “Warbixinta u dambaysay ee Bangiga Aduunka ayaa sheegaysa in dhaqaaleheenu hoos u dhacay” waana xaqiiqo in dadkeena inta badani ay ku noolyihiin duruuf aad u qalafsan. Sidaa darteed, ma aha waxaynu u soconaa, isbedel siyaasadeed oo xilalka lagula kala wareego oo keliya (Not only positional change but institutional change) Xukuumadda waa in ay xooga saartaa, hubinta iyo horumarinta dhidibada qaranku ku taaganyahay (deep state) oo aynu iminka iyo hadhawba isku hawlaa, dhismaha iyo taabogelinta hay’ahada dawladda oo tan xisbigu ugu horayso,

Marka aan dib ugu noqdo, arrinta hoos u dhaca qiyamka. Tusaale ahaan, “C/qaadir Jirde, wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii gudoomiyaha xisbiga oo uu ahaa qofkii ugu mudnaa, waa ninka aad garanaysaan inta uu siyaasada ku soo jiray, wuxuu ka midyahay dadka dastuurka Somaliland ku saxeexan ee tacabka geliyay, waa nin qaran oo cidiba iskuma khilaafto, hadii in uun birmageydo siyaasadeed jirto wuxuu noqon lahaa dadka ugu horeeya, waxaa yaab leh in qaar yidhaahdaan waa lagu iibsaday, lacag baad qaadatay iyo hadalo aad u rakhiis ah, waxaa meesha ka maqan qiimayntii toolmoonayd ee qofka xilka diida, ka is dhawra iyo kan qaranimada ilaaliya lagu qiimayn laha, waa waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (value is more expensive than any price) waxaa jirta iyaduna odhaah Hadraawi lahaa “Dushooda ma eegayaan, dunuunuc bukay liqeen, dalqay wax ku eegayaan, dil bay u hamuumayaan” Xadiiska ku sugan Saxiisul-Muslimka, ee uu soo saaray Abu Hirayra wuxuu Nebi Maxamed SCWS ku tilmaamay: –
عن أبي هريرة – رضي الله عنه – عن النبي – صلى الله عليه وسلم – قال: “أتدرون مالغيبة – قالو الله ورسوله أعلم، قال: ذكر أخاك بما يكره – قيل أريت إن كان في أخي ما أقول؟ قال: إن كان فيه ما تقول فقد اغتبته، وإن لم يكن فقد بهته”

Mudanayaal iyo Marwooyin

Hadii aan si kooban u tilmaamo qorshaha aan ku talogalay iyo qaabka hogaamineed ee aan jecelahay in aan raaco, ugu horayn aragtidayda siyaasadeed ma qarsoona oo waxay ku xardhantahay buugtayda, waxaanay tahay “Gaadhsiinta ummadayda nolosha ugu wanaagsan iyo sharafta ugu sarraysa” taas oo ku qotonta ujeeddadayda odhanaysa “Waxaan doonayaa in dadkaygu nolosha uga faa’iidaysto sida ugu wanaagsan” walaalyaal mustaqbalkeena kuma gaadhi karo riyo keliya, ee aan u halganno xaqiijinta hiraal qudha, oo aan saxiib ku noqonno hal ujeeddo, caqabadaha iyo carqaladuhu weligood innama celin doonan marka aynu leennahay geesinnimo aynu yoolkeena ku gaadhno. Ogow, bini aadamka waxaa saamayn togan ama taban ku yeesha go’aamada uu qaato, waxaanu gurtaa midhaha tacabkiisa.

Marka aan u imaado, sumadda aan jecelahay in uu Waddani yeelan doono waxay tahay sida aan kor ku soo sheegay, Waddani waa “Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka” sidoo kale, aragtida xisbigeenu wuxuu ahaa sidan “Higsiga Waddani waa Jamhuuriyadda Somaliland oo ku waarta dal iyo dad midaysan, annaga oo sugnay qormada aanu ku leenahay adduunka, ahna qaran dhistay bulsho ku nool nabad, barwaaqo iyo dimuquraadiyad” hadii aad ila qaadataan waxaan odhan lahaa sidan “Waddani wuxuu u taaganyahay ilaalinta dalka, dadka iyo diinta, xaqiijinta Jamhuuriyadda Somaliland, dhisida bulsho ilbax ah iyo dawladnimo casri ah”

Waxaan xooga saaridoonaa ka qayb qaadashada wax kasta oo ku saabsan dhismaha dalka, kobcinta xidhiidhka bulshada isku duubnida iyo midnimada dalka, xoojinta dhaqaalaha iyo horumarka, ilaalinta dhaqanka suuban iyo diinta, ku dhaqanka shuruucda (rule of law) iyo dhawrista xoriyaadka aasaasiga ah. Xoojinta maamul wanaaga oo ka bilawda xisbiga ilaa xukuumadda Waddani, anaga oo mudnaanta siindoonna tababaridda iyo kor u qaadida aqoonta iyo dareenka ku wajahan xisbinimada, isla markaana wakhti gelinayna soo saarida kaadirka xisbiga, kaas oo u diyaarsan in uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro hanaanka dimuquraadiyadda iyo tartanka Waddani ugu jiro in uu hanto taladda dalka kuna hirgeliyo barnaamijkiisa siyaasadeed.

Barnaamijka xisbigu wuxuu xambaarsanyahay himilooyinka xisbiga ee ujeedeeyinka dhaw iyo kuwa dheer, anaga oo la kaashanaya xubnaha hogaanka, fulinta iyo xubnaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxaan isbedel iyo kaabis ku samayn doonaa barnaamijka xisbiga. Diyaarinta iyo qabyatirka dabadiina, waxaan dhisi doonaa habka isku xidhka qorshayaasha iyo samaynta istaraatiijiyadda loo raacayo doorashooyinka, diyaarinta agabka loo baahanyahay iyo farsamooyinka lagama maarmaanka u ah. Waxaana looga baahanyahay masuul kasta oo hadlayaa in uu ka dhimbiil qaato barnaamijka xisbiga saldhigna uga dhigo doodihiisa.

Si aan arrintaa uga midha dhalinana waxaan soo saari doonaa, hab-maamul xidhiidhinaya haykalka kala duwan ee xisbiga, hab-raacyada iyo jaangoynta shaqo oo ku astaysan nidaamka maamul daadejinta gun ilaa baar, taas oo ay ku cadahay muuqaalka isu tebinta maamul (Organisational Chart), warbixinta masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo ee qof kasta laga rabo ee lagula xisaabtamayo.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxa aan jecelahay in xil-gudashadeenu ku qotonto xaqiiqo, oo dhaliilaha aynu soo bandhigaynaa ay noqdaan qaar la hubiyay ama salka ku haya cilmi baadhis, taas oo soo jiidan karta garwaaqsiga bulshada isla markaana, xujo ku noqon karta xukuumadda, oo qofkii wax saxayana siin karta fursad, waayo; ujeedadeenu waa toosin iyo in aynu helo taageerada bulshada oo aynu dhankeena soo marino inta samaha jecel. Arintaasina waxay keensanaysaa in aan abuuro xafiiska baadhista iyo horumarinta (Research and Development Office), halkaas oo ay hawl wadeennada xisbigu ka helidoonaan xog ku filan oo ay u adeegsadaan hawlahooda shaqo.

Waxaa isaguna muhiimad taa la mid ah leh, xafiiska xuuraanka iyo dabagalka hantida qaranka (Intelligence and National Asset Surveillance Office) kaas oo shaqadiisu tahay helista xogaha muhiimka ah, ilaalinta iyo korjoogtaynta hantida qaranka, xogoha xafiiskani ururin doono oo muhiimad weyn u yeelan kara bulshada Somaliland iyo xisbiga Waddani labadaba, halkaas oo ay masuuliyiinta xisbigu ka heli doonaan xog ay ugu doodaan inta dulman ama hadii waxba loo qaban waayo, noqon doonta kayd ay weheshadaan bulshadu oo dawladda Waddani ama dawlad kasta oo timaada ay ula tegidoonaan. Waxay tahay arintan macnaheedu, Waddani waa wehelka bulshada duruuf kasta oo ay ku suganyihiin.

Xisbiga Waddani wuxuu mar walba la jiraa samaha, deganaasha iyo ilaalinta nabadgelyada dalka, waanu ka soo horjeednaa wax kasta oo keenaya khalkhal ama ku lug leh xagjirnimo iyo argagixisanimada, waxaanu gacan buuxda ka siinaynaa hay’adaha amniga wixii nalooga baahdo. Waddani wuxuu si taxadir leh ula soconayaa isbedelada iyo waxyaalaha ka dhacaya gobolka, anaga oo dawladda ku dhiirigelinayna xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho wadamada jaarka ah iyo macaamil hufan oo aynu la wadaagno wadamada dunida, taas oo fure u noqon karta qadiyadda Somaliland, anaga oo mar kasta u taagan sidii dalkani uga mid noqon lahaa beesha caalamka una heli lahaa aqoonsi buuxa.

Hadaba, si aynu halkaa u gaadhsiino Somaliland, ugana dhabayno rejada shacabku inaga qabo, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu gaadhsiino talada ugu saraysa musharixa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku qalabaysan barnaamij siyaasadeedkii oo dibu habayn lagu sameeyay iyo istaraatiijiyadda maamul iyo hogaamineed ee ay dalka ku maamulilahaayeen. Hadii aanu nahay kooxdan aad hogaanka u doorateen, marka aan derisno shaqada, waxaan guddiga fulinta u soo gudbin doonaa, qorshaha maamul, anaga oo isku xidhayna heerarka kala duwan ee maamul iyo dhamaan qaybaha xisbiga, waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoonaa sidii aan arrintaa u xaqiijin lahayn, waxaanu dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ka codsanaynaa in ay gacan buuxda nagu siiyaan arrintaa.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Iyada oo ay badan yihiin caqabadaha dabarka ku ah horumarkii xisbi iyo dawladnimo guud ahaan, marka aan soo ururiyo, sida aynu la wadaagno xisbiyada kale ee dalka, qaabka xisbiyadu u dhisanyihiin maanta waxa aad moodaa in wixii ugu horayn lahaa ee saldhiga u noqon lahaa jiritaankoodu uu meesha ka maqanyahay, waa mabaadiidii siyaasadeed (Political Ideology ) mana hawl yara hirgelinteedu marka la eego meesha aynu marayno iyo waayaha aynu la noolahay, waxase aanu isku dayaynaa in aanu abqaalo oo dhisno dariiqii lagu gaadhi lahaa, muhiimad weyna waxaan siindoonaa kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta hawl wadeenada xisbiga, tababarrada ku wajahan xisbinimada iyo dibu habaynta xafiisyada laamaha gudaha iyo debedda ee xisbiga Waddani.

Dhamaan intiina siyaasadda u hanqal taagaysa, gaar ahaan dhalinyaradda waxaan leeyahay diyaar baanu idiin nahay hogaan ahaan, waxaanu doonaynaa in aanu kula dedaalo, kuuna diyaarino shaqada aanu kuu dirayno ee adigu ha daalin, hana dayacin masuuliyadda laguu dhiibay, waar raga berito mataxnimada doonayow, maanta hanaan madaxnimo u dhaqan oo ha kaa muuqato. Minqiyaaskaagu yaanu noqon sawirrada iyo muuqaallada saxaafada, laakiin, ha noqdo maxaad fulisay waajibaadkii lagu saaray, himiladaadii maxaad gaadhay, madhaxa iyo dhaxalku waa dalka e, maxaad u qabatay. Aan idin xasuusiyo shanta arimood ee uu tilmaamay Imaamu Shaafici in madaxtinimada lagu gaadho:
1) Runta oo aad dhaqan ka yeelato..
2) Sirta oo aad ilaaliso.
3) Balanta oo aad oofiso.
4) Dadka oo aad u nasteexayso.
5) Amaanada oo aad ilaaliso.
Kitaabka, Siyaru-Calaam Anubalaa – Imaamu Dahabi –

Ogow, wax kasta oo aad ku hamidaa sax ma wada aha, ha rumaysan beentaada, riyaadaada suuree oo sawir maskaxeed u bedel iskuna day in aad ficil ku xaqiijiso, waa suuragal markaa in aad gaadho meel kasta oo saraysa hadii aad isu diyaariso ilaahayna la kaashato.

Gebogebadii

Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga Afka ergada fadhida ee kalsoonidoonii i siiyay iyo guud ahaan Xisbiga Waddani ee masuuliyadiisii la ii caleemo saaray, waxaan halkan ka soo jeedinayaa qodobado aanu muhiim u aragnay ee shirweynahani xooga saaray :

 Waxaanu dawladda ugu baaqaynaa in la ilaaliyo xasiloonida iyo midnimadda Jamhiiriyadda Somaliland.
 Komishinka doorashooyinka qaranka waxaanu ugu baaqaynaa in ay doorashooyinka wakhtigeedii ku qabtaan, xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in aanu ku garab galo sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.
 Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay xaqdhawraan xuquuqda aayo ka tashiga dadkayga oo ay garwaaqsadaan rabitaanka bulshadda Somaliland ku doonayso madaxbanaani buuxda oo ay kaga mid noqdaan qaramadda midoobay.

Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay, noo sabra, waanu ka dhabayn doonaa rejada aad naga filaysaane, insha allaahu waxaynu gaadhi doonaa maalmo kuwan ka fiican, isku duubnaada oo cadawgeena aan meel uga soo wada jeesano, ha ku asqoobina hirdanka siyaasiyiinta ee hadba ka wanaagiina wada u hiisha, hana ka werwerina mustaqbalka wax wanaagsan ayaa inoo soo socda idam Allah. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu kuwa dawladnimada hayana dhibtooda iyo dhagartooda inaga badbaadiyo, kuwa imandoonana tubta wanaagsan iyo talada khayrka leh in ilaah ku toosiyo, idilkoodna garansiiyo wixii ay inoogu jirto wanaaga aduunyo iyo aakhiradeenu.
Ilaahay ayaa mahad leh, aad baad u mahadsantihiin.
Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.

Connect with us on Facebook