Maxkamada Ciidamada Somalia Oo Warbixin Ka Soo Saartay Baadhista Kiiskii Dilka Ikraan Tahliil
Muqdisho, November 21, 2021 (Haatufonline) – Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey, oo ah Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey natiijo hordhac ah oo ku aadan baadhista kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda NISA.
Jeneraal Kameey waxa uu sheegay in hay’adda NISA ay la shaqeysay guddiga waday baarista iyada oo ka caawisay dhinac kasta oo baarista ah, sida uu hadalka u dhigay.
Xubnaha la baaray ayaa waxaa sidoo kale kamid ah sarkaal lagu magacaabo Cabdiqani Wadna Qabad iyo sarkaalad magaceeda lagu sheegay Asma Yuusuf Cumar, kuwaasi oo
1- In NISA ay si hufan ula shaqeysay guddiga baarayey kiiska iyo xafiiska xeer-ilaalinta.
2- Inta baarista lagu guddi jiray guddi uma soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalada ku maqan tahay gacanta NISA.
3- Guddiga wuxuu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay afduubteen Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen.