Rooble Waxay Qadar Ogolaysiisay Inuu Kiiska Ikraan Ka Aamuso Doorashadana Farmaajo Dhiso XisaabDibadeedna Lacag Loogu Shubo.
Muqdisho,November 22,2021(Haatufonline)-Ka hor intii aanu raiisalwasaare Rooble Xuseen Rooble tagin dalka Qadar bishii lasoo dhaafay ayaa ninka la yidhaahdo Guuleed Wiliq @guledwiliq uuu bartiisa Twitterka ku qoray in Rooble uu baqooli doona Dooxa oo uu heshiis kula gali doono madaxda dalka Qadar inuu dambabaso kiiska Ikraan Tahliil oo uu la heshiiyo isla markaana dhiso Farmaajo.Guleed markiiba afka lagaga booday oo dadku way la yaabeen warkiisii maa daama xiligaasi Rooble loo arkayey nin daacad oo doonaya inuu dalka Somalia ka badbaadiyo khataraha iyo mu’aamaraadka ay ku hayaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
Hadaba siday xaqiijiyeen 2 qof oo Soomali ah oo Dooxa ku nooli madaxda dalka Qadar waxay Rooble ogolaysiiyeen in marka uu Xamar ku laabto fuliyo dhawr arimood oo u dhaafsado lacag mudakar ah oo loogu shubo xisaab dibadeed oo uga furan mid ka mid ah bankiyada dibadda.Arinta ugu weyn ay Qadar ka dalbatay Rooble waxay ahayd inuu dambabaso kiiska Ikraan Tahliil oo lasoo saaro cikun maxkamadeed bari’ ka dhiga Fahad Yaasiin kaasoo ah basaaska ugu weyn ee Qadar ku leedahay Geeska Afrika.Qodobka labaad ee uu Rooble balanqaaday fulinyiisa wuxu ahaa inuu geedi socodki Doorashada hakad galiyo si ay cimri dherar ugu noqoto Farmaajo isla markaana Farmaajo dhiso marka doorasho la gaadho.Waxa kale oo uu Rooble ogolaaday inuu ka fogaado wax allale wixi Farmaajo wax u dhimaya ama waran siyaasadeed ku noqonaya sida soo hadalqaadka dhalinyaradi ku maqneyd Eriteriya ama inuu isku dayo farogalinta hogaanada ciidamada gaar ahaan taliyaha booliska Xijaar .