Latest News

Dawladda Sucuudiga Oo Fasaxday Tartanka Kubadda Cagta Ee Dumarka Iyo Somaliland Oo Wali Hortaagan

Jedda,November 23,2021(Haatufonline)-Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa dhawaan fasaxday in dumarka yeeshaan nawaadi kubadda cagta ciyaara oo tartama.Talaabadan oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey dalka Sucuudiga ayaa waxay hablaha Sucuudiga u saamaxaysa inay higsadaan xata ka qaybgalka ciyaaraha koobka aduunka ee dumarka.

Dhinaca kale wadaada reer Somaliland oo badankoodu culuumta diiniga ah kusoo bartay Sucuudiga ayaa carqalad la hortaagan in hablaha reer Somaliland ay ciyaaraan Kubadda Cagta iyo dhammaan ciyaaraha kale caadiga ah sida Kubadda Kolayga iyo xataa Orodka.Inkastoo bulshada reer Somaliland intooda badan  taageersanyihiin in la fasaxo isboortiga dumarka ee asturan hadana dawladda Somaliland ayaa tixgalin cabsi ku jirto siisa koox wadaado tujaar ah oo qaarkood aan aaminsanayn madaxbanaanida Somaliland.

Connect with us on Facebook