Ujeedada Socdaalka Mustafe Cagjar : Taxadir In Mucaarid Hubaysan Oo Oromo Iyo Soomali Ahi Uga Soo Talaabin Xagga Somaliland Iyo Somalia
Hargeisa,November 28,2021(Haatufonline)- Ujeedada dhabta ah ee uu ku qotomay socdaalki u madaweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobbiya Mustafe Cagjar ku yimid caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxay aheyd cabsi ay Itoobiyaanku ka qabaan in mucaarid hubaysan oo iskugu jira Oromo iyo reer Cabdileha Ogaadeen ay kasoo talaaban xagga Somaliland iyo Somalia oo ay gudaha usoo galaan dawlad deegaanka Somaalida iyo gobolka Herargi ee Oromadu degto si dadka deegaanadaasi ku nool loo kiciyo oo laga horkeeno xukuumadda Abiy Axmed iyadoo ay Itoobiyaanku aaminsanyihiin in arinkaa laga soo abaabulayo Nairobi ,Kampala iyo Dooxa.
Reer Cabdileha oo ay ah qabiilki u ka dhashay Cabdi Ilay ayaa iyagu ku taamaya inay dib u qasadaan xukunka dawlad deegaanka iyadoo Jubaland iyo Puntland ay sida la sheegay gacan ka siinayaan arintaasi.
Waxbana kama jiraan sheegashada warbaahinta dalka Itoobiya in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi taageeray dagaalka Abiy Axmed kula jiro ciidanka TPLF ee Tigrayga.