Nin Al-shabaab Ka Tirsan Oo Qarax Ismiidaamin Ah Ku Dilay Labadiisii Waalid
Kisumu, December 9, 2021 (Haatufonline) – Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa Salaasadi dhawyd qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid iyo naftiisa, deegaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu ee dalka Kenya, sida uu qoray wargeyska The Star oo soo xiganaya booliiska.
Is-miidaamiyahaa oo magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek, ayaa tegay gurigii aabihi iyo hooyadi Mary Atieno oo ay wehliso gabadh ay waalo yihiin ka dib markii uu suaslo weydiiyeyna wuxu isku dhexqarxiyey gurigii.
Wargeyska The Star ayaa waxa uu booliska kasoo xigtay in is-miidaamiyaha qaraxaa geystay uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, oo uu isku soo xidhay walxo qarxa kadibna iskusoo miidaamiyey waalidkii dhalay.