Ciidanka Ilma Diyaana Oo La Wareegay Dekadi Iyo Madaxtooyadi Bosaaso Iyo Ciidamo Laxaad Leh Oo Deni Caawa U Dirayo Dagaalka
Bosaaso,December 21,2021(Haatufonline)-Ciidanka loo yaqaanno PSF ee uu hogaamiyo Maxamuud Cismaan Diyaana ayaa la wareegay dekaddi Boosaaso iyo aqalkii madaxtooyada ee halkaas ku yaalay iyo waliba saldhigyo ay leeyhiin ciidanka boolisku kadib markii ay magaaladaasi maanta dagaal iskaga horyimaadeen ciidanka u daacadda ah madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Inkastoo dagaalku joogsaday maqrib ku dhawaadkii hadana waxa laga cabsi qabaa inu barito dib u bilaabmo iyadoo ay caawa magaalada Boosaaso ay kusii jeedaan ciidamo laxaad leh oo uu Deni halkaas u diray.
Iska horimaadkan ayaa ka dhashay wareegto uu soo saaray Deni 24/11/2021 oo uu xilka kaga qaadayo taliyaha PSF Maxamuud Diyaana isla markaana ku badalayo sarkaal kale taasoo uu Diyaana diiday inuu u hogaasamo .
Dagaalkan saaka ayaa wuxu qarxay kadib marki ay wada fashilmeen dhawr isku day oo la rabay in lagu dhexdhexaadiyo Deni iyo Diyaana.
Arinta kale ee la isku hayo een iyaduna meesha ka madhnayn ayaa waxay tahay 16ki kursi ee Boosaaso ku lahayd Golaha Shacabka ee Federaalka Somalia oo dhawaan lasoo dooran doono iyadoo Deni doonayo inuu taageereyaal uu isku hubo ku fadhiisiyo 16ka kursi si uu codkooda u helo marka la gaadho doorashada madaxweynaha Somalia oo Deni kutalo jiro inuu iskusoo sharaxo,halka ilma Diyaana oo xidhiidh hoose la leh Villa Somalia ay rabaan inay Farmaajo kurasta Boosaaso wax uga boobaan.