Dawladda Maraykanka Oo Markii Ugu Horaysay La Safatay Rooble Iyo Waqcadda Diblomaasiyadeed Ee Farmaajo Ku Habsatay
Washington,December 27,2021(Haatufonline)-Dawladda Maraykanka ayaa marki ugu horaysay ka badheedhay khilaafka ka dhex aloosmay madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Farmaajo iyo raiisalwasaaraha xukuumadda Somalia Xuseen Rooble waxaanay la safatay Rooble.
War u soo saaray xafiiska wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika ayaa waxa uu yidhi
“Isku daygi saaka in shaqada laga joojiyo Rooble waa arin walwel iyo walaac dhalisay.Waxaanu taageersanahay dadaalku uu Rooble ugu jiro dadajinta qabsoomidda doorasho lagu kalsoonyahay”
Waxa kale oo warka lagu sheegay in dawladda Maraykanku ay talaabo ka qaadi doonto cid kasta oo Somalia ka carqaladaysa inay cagta saarto tubta nabada iyadoo ay ku baaqeen in laga taxadiro ficilada iyo odhaahaha wax sii kicinaya.
Mawqifkan cusub ee Maraykanka ayaa waqcad diblomaasiyadeed oo dhabarjab ah ku ah kooxda Farmaajo.