Taliyihii Ciidanka Soomaaliya Odowaa Oo Xilkii Laga Qaaday
Muqdisho,December 28,2021(Haatufonline)-Raiisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka militariga Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage kadib markii uu ku eedeeyey inuu siyaasadda ku milmay.
Raage ayaa ka mid ahaa saraakiisha uu ku shaqaysan jiray madaxweynihii horee Soomaaliya Farmaajo waxaana taliyaha la casilay loo aanaynayaa inuu ku lug lahaa isku-daygi shalay raiisalwasaaraha Soomaaliya lagaga horjoogsaday galitaanka xafiiskiisa.