Golaha Wasiirada Somalia Oo Cambaareeyey Afgambigii Fashilmay Ee Farmaajo
Muqdisho, December 30, 2021 (Haatufonline) – Shirka Golaha Wasiirada oo maanta uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag loogu cambaareeyay isku-daygii Afgambi ee 27-kii bishan lagu qaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiiradda.
Waxay si wada-jir ah u muujiyeen Wasiiraddu sida ay uga xun yihiin falkaas, oo sida la fahamsan yahay uu amarkeeda lahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaaraha.
Shirka golaha oo ahaa midkii u horeeyay tan iyo markii uu madaxweynihii hore isku dayay inuu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee markale looga arrinsanayo doorashooyinka.
Qorshahaas ayaa faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, si ay qeyb uga noqdaan kor u qaadista amniga caasimada.
Sidoo kale waxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya arimaha abaaraha iyo cudurka COVID-19, oo markale kusoo labo kacleeyay dalka.