Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Korodhay
Muqdisho, January 12, 2022 (Haatufonline) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogleh oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada 21-ka October oo ku taalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa oo loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey lala beegsaday kolonyo ay wateen howl-wadeeno ka tirsan Qaramada Midoobay oo xilligaas marayey wadada.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda.
Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay weerarkan la beegsatay saraakiil Cadaan ah, isla-markaana ay khasaare xoogleh ku gaarsiisay, sida ay kooxdu ku sheegtay qoraal ay goordhoweyd sii baahisay