Baarlamanka Ingiriiska Oo Salaasada Ka Doodaya Aqoonsiga Somaliland Iyo Qurbojoogta UK Oo Qofwalba Fariin U Dirayo MP-ga Matala
London,January 16,2022(Haatufonline)-Waxa la filaya in Baarlamanka Ingiriisku ka doodo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland maalinta Saaasada ee 18 January iyadoo uu mooshin ku saabsan arintaasi uu aqalka hor keeni doono xildhibaan Gevin Williamson oo ahaan jiray wasiirka Gaashaandhigga Ingiriiska isla markaana mudadi uu xilkaasi hayey booqosho ku yimid Somaliland.
Haatufonline.com ayaa qoraalo uu qurbjoogta reer Somaliland u mariyey Twitter-ka ku guubaabiyey in qofwalba oo ka mid ahi fariin u diro MP-ga xaafadda uu deganyahay ku matala baarlamanka si uu u taageero mooshinka ku saabsan Somaliland.