Wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Taiwan
Taipe, February 9, 2022 (Haatufonline) – Weftigii ka Somaliland ee booqashada ku joogay Taiwan ayaa Kulan la yeeshay Madaxwaynaha Taiwan Marwo Tsai Ing-wen.
Waxaanay soo dhawayn ka dib madaxwaynuhu balan qaaday in ay Taiwan ka go’antahay dardargelinta arrimaha iskaashiga labbada dal ee Taiwan iyo Somaliland.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd oo hoggaaminayey wetiga Afarta Wasiir ee Somaliland ayaa ku dheeraaday kor u qaadida dhinaca maalgashiga iyo ka faaiidaysiga fursadaha ganacsi ee Somaliland ka jira.