7 Hablood Oo SL Ka Tagay Oo Ku Dhaawacmay Oo 2 Koomo Ku Jiraan Qaraxii Maanta Ee Muqdisho
Muqdisho,February 10,2022(Haatufonline)-Waxa qaraxii Isgoyska Ceelgaabta Muqdisho ee maanta ku dhaawacmay 7 hablood oo 2 koomo ku jiraan oo ka mid ahaa dadka Xamar kaga maxaafsada magaca Somaliland.Hablahan oo Somaliland ka tagay ayaa qaraxu haleelay iyagoo bas saaran xili ay kasoo noqdeen goob lagu dooranayey mid ka mid ah calooshood u shaqaysteyaasha u dhashay Somaliland ee ka qaybgalaya xulashada xildhibaanada Somalia.
Waxa kale oo qaraxa ku dhaawacmay 2 nin oo hablaha la socday.
Cali Axmed Aadan oo ah ninka 7 hablood iyo labada nin ee dhaawacmay ay codkooda soo siiyeen ayaa isagu ka badbaaday qaraxii dhacay waxaanu badalay nin la yidhaahdo Suuri Diiriye Carab .
Qaraxan oo ay argagixisada Alshabaab sheegeen inay ka dambeeyeen waxa kale oo ku dhaawacmay dad aan waxba galabsan oo wadada marayey.