Latest News

Qorsheyaasha Iyo Xeeladaha Lagaga Hortagayo Aqooonsiga Somaliland Ee Ay Wadaan Kooxda Ictiraaf-Ka-Cadhoodku

Huseen Colaad

.         Febraury 11,2022

Kooxda aqoonsi-diidka Somaliland ayaa waxa naxdin ku riday horumarka weyn ee ay Somaliland mudooyinkan dambe ku talaabsatay dhinaca xidhiidhka arimaha dibadda.Kooxdan waxa si gaar ah u saameeyey oo jiif iyo joogba u diiday baaqyadii isdaba joogga ahaa ee dhawaanahan kasoo baxay baarlamaanada Maraykanka iyo Ingiriiskaba ee lagu taageerayey madaxbanaanida iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.Waxa kale oo u-qaadan waa’ ku noqday wafdigii xaqiiqo raadiska ahaa ee ka socday Congress-ka Maraykanka ee booqashada ku yimid dalka Somaliland bishi December 2021, doodii baarlamanka Ingiriisku qabtay bishi January 2022 ee lagu taageerayey aqoonsiga Somaliland iyo booqashadii rasmiga aheyd ee uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isla bishaasi ku tagay dalka Itoobiya ee uu halkaas kula kulmay raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed isla markaana lagu soo dhaweeyey isaga iyo wafdigiisaba martabad madaxweyne dawladeed oo taam.
Ashkaasta ama ciidaha Somaliland diidka ah waxa kale oo sii khalkhaliyey booqashada la filayo in madaxweyne Biixi dhawaan ku tago dalka Maraykanka iyo waliba warbaahinta waaweyn ee caalamka oo baryahanba qaadaa dhigaysay arimaha Somaliland iyo sababaha ay ugu qalanto inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka gaar ahaan dawladaha reer galbeedka oo ay warbaahintu xustay inay dano ugu jiraan oo ay kaga xidhanyihiin aqoonsiga Somaliland marka laga eego xagga goobta istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo iyo waliba dimuqraadiyadda iyo xasiloonida ka hirgashay ee mudan inay kaga daydaan dalalka Geesku.

Hadaba waxa soo ifbaxaya qorsheyaal iyo xeelado ay wadaan ashkhaas iyo koox kasoo horjeedda madaxbanaanida Somaliland oo ay damacsanyihiin inay kaga hortagaan aqoonsi ay Somaliland ka hesho dalalka dunida.Qodobada ay culayska saraan inay u sharxaan beesha caalamka ee ay qabaan inay ku carqaladayn karaan aqoonsiga Somaliland waxa ka mid ah:
1.Madaxbanaanida iyo Aqoonsiga waxa raba beesha Isaaq oo kaliya oo ka mid ah beelaha Somaliland wada dega
2.Beelaha aan Isaaqa aheyn ma ogola goon-isu-taagga Somaliland oo waxay taageersanyihiin midnimada Somalia
3.Beelaha aan Isaaqa aheyn ee Somaliland ku nool waxay ku tilmaamaan Dhulbahante,Warsangali,Gadabuursi iyo Ciise oo ma isticmaalaan erayga Harti.
4.Markay gobol gobol u dhigayaan waxay ku doodaan in Sanaag iyo Sool oo dhan iyo waliba qaybo ka mid ah Togdheer iyo Awdal aan laga taageersanayn madaxbanaanida Somaliland.Si ay doodooda u xoojiyaan waxay isticmaalaan maabab xambaarsan maclumaad khaldan oo waqti hore lagu sameeyey Majeerteeniya oo Sool iyo Sanaag oo xata Ceerigaabo iyo Laascaanoodba ku jiraan ka dhigaya dhul la isku haysto oo colaadi ka jirto (disputed area).
5.In Somaliland dagaal ka dhex qarxi doono hadii la aqoonsado oo waqtigan xaadirka ahba ay jiraan dagaalo dhexmaraya “maamulka Somaliland” iyo dadka aaminsan midnimada Somalia.

Dadka aqoonsi-ka-cadhoodka ah ayaa waxay bilaabeen in qoraalo ay ku muujinayaan qodobada doodooda kor ku xusan ay u gudbiyaan dawladaha, ururada caalamiga ah iyo cidkasta oo taageero u muujisa aqoonsiga Somaliland.Waxa kale oo ay aad isticmaalaan Twitter-ka iyadoo ay ku faafiyaan borobogaandho ku lidi ah Somaliland.Waxa kale oo ay ku maagaan dadka ajaanibka ee soo
qora aragtiyo ay ku amaanayaan dimuqraadiyadda iyo nabada ka jirta Somaliland ama ku taageerayaan madaxbanaanideeda.Qabqableyaasha kooxdan waxa ka mid ah nin la yidhaa Maxamuud Gaildoon oo reer Badhan ah oo ka mid ah qaxoontigi laga qaaday Yaman ee la geeyey dalka Maraykanka iyo Cali Xaaji Warsame oo ah nin Majeerteen ah oo qabyaalada iyo nacaybka Somaliland madax maray oo ka tirsanaan jiray Al-Itixaad.Dabacan kooxda Farmaajo oo isticmaalaysa magacii dawladda Somalia ayaa iyaduna colaadda iyo mijoxaabinta qadiyadda Somaliland geed dheer iyo geed gaabanba u fushay shanti sanadood ee u dambasay waanay sii wadi doonaan.

Waxaseh nasiib darro ah in xubno ka tirsan mucaaridka oo diidan in urarada la furo ay laftoodii beeshii caalamka u gudbinayaan macluumaad ay kaga digayaan in dagaal ka dhici doono Somaliland hadii aan tooda la yeelin.Dabcan shacbiga Somaliland lama qabo sidaas laakiin shaki kuma jiro in qoraalada caynkaas ahi ay waxyeeloo usoo jiidayaan qadiyadda Somaliland.Gudaha wixi la isku hayaa waa halkeeda laakiin markay noqoto arimaha dibadda waxa loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto oon cadho kursi ka kacday aanay dhabar jabinin danti weyneyd.

Connect with us on Facebook