Dablay Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Weerartay Madaarka Muqdisho
Muqdisho, March 23, 2022 (Haatufonline) – Dablay hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar maanta ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 6 qof, kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen dablaydan iyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia ee halkaasi ujoogay sugida amaanka.
Afhayeenka ciidanka bileyska Cabdifitaax Xasan Aadan, ayaa sheegay in dableydu ay isku dayeen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka, gaar ahaan dhinaca xerada Mariina Gate balse lagaga hortagay albaabka.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in markasta oo la bilaabo qorshaha la wareegidda amniga dalka weerar lagu ekeeyaa garoonka Adden Abdulle.
Isagoo intaasi raaciyay in aanay aheyn wax qarsoon in ay jiraan dowladdo diidan xasiloonida dalka balse ma aanu bixin faahfaahin intaasi ka badan.
Dhinaca kale hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa yidhi “Al-shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ay qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib-u-habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamini karo amniga dalka.