Latest News

Kooxda Alshabaab Oo Sheegatay Xasuuqii Baladweyne Ee Ay Ku Nafwaayeen Tobanaanka Qof

Warbaahinta AS,March 27,2022(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qaraxyo ka dhacay magaalada Baladweyn 23 kii bishan oo lagu dilay in ka badan 50 qof oo ay ka mid aheyd xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.
Qaraxa kowaad ayaa qof waxayabaha qarxa iskusoo xidhay uu la beegsaday xildhibaan Aamina iyadoo qarax labaadna lala beegsaday dadki iyo gurmadki kusoo ururay goobti uu qaraxi hore ka dhacay.
Kooxda Alshabaab ayaa warbixin ay ka soo saareen qaraxyadan ku sheegay inay la beegsadeen ciidamada dawladda iyo masuuliin ka tirsan xukuumadda Somalia.
Hasayeeshee warbixintu ma sheegin dadka rayidka ee ay Alshabaab halkaas ku gumaadeen.
Labadi bilood ee u dambeeyey ayaa tirada dadka aan waxba galabsan ee ay Alshabaab ku xasuuqeen Baladweyne oo kaliya waxay kor u dhaaftay 70 qof.­

Connect with us on Facebook