Mahdi Oo Qadar Kasoo Qaadaya Kharashki Shirka Dir/Digil & Mirifle Iyo Laaluushki Calooshood U Shaqaysteyaasha SL
Dooxa,March 27,2022(Haatufonline)-Dawladda Qadar ayaa ogolaatay inay bixiso dhammaan kharashka ku baxaya shirka beelaha Dir iyo Digil iyo Mirifle ee ay soo qabanqaabinayso kooxda Villa Somalia si Farmaajo loo siiyo codka xildhibaanada Digil iyo Mirifle iyo codka calooshood u shaqaysteyaasha sheegta inay Somaliland matalaan.
Waxa kale oo ay dawladda Qadar bixinaysa lacagta lagu laaluushi doono kuwa sheegta inay Somaliland matalaan si ay codkooda oo isku duuban ay Farmaajo u siiyaan.
Dhammaan kharashyada kor ku xusan waxa la filaya inuu soo qaado raiisalwasaare ku xigeenka dawladda Xamar ee Mahdi Guuleed oo haatan ku sugan caasimadda dalka Qadar ee Dooxa halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Khaalid Bin Khaliifa Bin Cabdulcaziiz Aal-thaani raiisalwadaaraha ahna wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.