Fahad Yaasiin Oo Laga Reebay Liiskii Xubnaha Baarlamanka Cusub Ee Somalia
Muqdisho,March 31,2022(Haatufonline)-Gudida Doorashooyinka heer Federaal ayaa waxay liiskii xubnaha baarlamanka cusub ee Somalia ka reebtay Fahad Yaasiin oo ah ninka ugu awooda badan dawladda Somalia.
Fahad Yaasiin ayaa kusoo baxay 20kii February mid ka mid ah kuraasti ay deegaan doorashadoodu aheyd Baladweyn hasa yeeshee gudida doorashooyinka Federaalka ayaa markiiba diiday inay natiijadaasi u aqoonsato mid sax ah iyadoo sheegtay in habraac khaldan loo maray doorashadi kursigaasi oo lambarkiisu ahaa 086.