Boris Johnson Oo Ka Hadlay Dabka Baabiiyey Suuqa Hargeysa, Sheegay In UK Ka Qayb Qaadan Doonto Dedaalada Dib U Dhiska
London, April 2, 2022 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inuu ka murugaysan yahay khasaaraha ka dashay dabka ka kacay suuqa Hargeysa ee Burburiyey goobo ganacsi oo farabadan ‘’Waxa murugo leh khasaaraha ka dhashay dabka Hargeysa ka kacay ee burburiyey suuq furan oo ahaa wadnaha dhaqaalaha magaaladaasi. Dabkaasi oo saamayn ku yeeshay ganacsiyada iyo ganacsato yaryar oo farabadan,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriisku, waxaanu intaasi ku daray in dawlada UK ay la barbar taagan tahay sidii suuqaasi uu mar kale u dhismi lahaa isla amarkaana dawlada UK ay samayn doonto wax kasta oo karaankeeda ah si loo taageero dedaalada dib u dhiska Suuqaasi Somaliland.