Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Degdeg Ah Isugu Yeedhay Ganacsatada Dalka
Hargeysa, April 2, 2022 (Haatufonline) -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan degdega isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka, rugta ganacsiga iyo xubnaha guddida heer qaran ee loo igmaday masiibada dabkii baaxadda lahaa ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ganacsatadu gacan uga geysan lahaayeen taakulaynta dhibaatada ka dhalatay dabkii baabi’iyey suuqa weyn ee Hargeysa.
Sidoo kale wararka laga helayo khasaaraha ka dhashay dabkaasi ayaa sheegaya in 28 qof ay ku dhaawacmeen dabkaasi, hase yeeshee 19 ka mid ah dadkaasi dhaawacyadu soo gaadheen ayaa ka baxay cusbitaalka dhaawacooda oo fududaa awgeed.