Rooble Oo Eryey Danjiraha Midawga Afrika Ee Somalia Iyo Farmaajo Oo Ganafka Ku Dhuftay
Muqdisho, April 7, 2022 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Somalia Maxamed Xusern Rooble ayaa qoraan uu soo saaray waxa uu ku sheegay in aan Somalia looga baahnayn Wakiilka gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Somalia Ambassador Francisco Caetano Madeira, sidaa darteedna uu Somalia kaga baxo mudo 48 saacadood ah.
Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha Somalia ayaa sidoo kale lagu sheegay sababta eriga danjiruhu inay tahay waxyaabo aan shaqadiisa ahayn oo uu galay.
Hase yeeshee talaabadan uu qaaday Raysal Wasaare Rooble ee uu ku eryey danjiraha gaarka ah ee Midawga Afrika ayaa durtaba waxa ganafka ku dhutay Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, kaas oo sheegay inuu Isagu danjirayaasha ka gudoomo warqadooda safiirnimo.
Sida lagu sheegay war caawa ka soo baxay madaxtooyada Somalia oo u dhignaa sidan.
“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dawrka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo qeybta libaax ee ay ka soo qaateen dowlad dhisidda Soomaaliya iyo dagaalka aan kula jirno kooxaha argagixisada.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo danjireyaasha kale ee caalamka waxaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha madaxbannaanida dalka.
Go’aan kasta oo taabanaya xiriirka aan dunida la leenahay iyo joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka waa mid saameynaya iskaashiga aanu la leenahay caalamka, waana tallaabo u baahan in lagu saleeyo danta qaranka, kuna timaadda wadatashi.
Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.
Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkeenna waa mid sal adag oo aan ku dhisnayn caadifad, abaal dhac iyo dano gaar ah, Soomaaliyana waxa ay kamid tahay asaaseyaasha Midowga Afrika oo hawlgalka Soomaaliya ku bixiyay dhiig iyo waqti aysan shacabka Soomaaliyeed ilaawi doonin.
Dalkeennu wuxuu ku jiraa xilli ay doorashadu gabogabo marayso, ayna lagama maarmaan tahay taageerada saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika oo gacan wayn ka gaysanaya amniga doorashooyinka iyo xasilloonida guud ee dalka.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara, waana xilliga aan ugu baahi badannahay inaan ilaashanno xasilloonida, iskaashiga iyo wadashaqeynta dhexdeenna ah iyo tan aan la leennahay saaxiibada caalamka.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku boorinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.
DHAMMAAD