Latest News

Wasiirkii Khaarajiga Somalia Ee U Farmaajo Isku Halaynayey Oo Taageeray Caydhintii Waakiilka Midowga Afrika

Hargeysa, April 7, 2022 (Haatufonline) -Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia, Cabdisaciid Muuse Cali oo uu isku halaynayey Farmaajo ayaa taageeray eriga Waakiilka Midowga Afrika ee Somalia.

Wasaarada Arimaha dibada Somalia ayaa qoraal toos ah oo ay soo saartay maanta waxa ay ku taageertay go’aankii Raysal Wasaaruhu uu ku caydhiyey Wakiilka Midawga Africa Francisco Madeira.

Waxaana lagu sheegay qoraalka wasaarada Arimaha Dibada oo u quus gooyay Farmaajo oo isagu ka soo horjeestay caydhinka Wakiilka, ayaa lagu sheegay in dawlada federalka Somalia iyada oo xushmaynaysa ku dhaqanka sharciga qodobka 41aad ee heshiiska Veinna ee xidhiidhka diblomaasiyada 1961, iyo xushmaynta diblomaasiyiinta ee arimaha gudaha iyo madaxbanaanida dalalka ay ka hawlgalaan.

Qoraalka Wasaarada Arimaha Dibada ayaa intaa ku daray “Dawladu waxa ay aad uga xuntahay in wakiilku Midawga Affrika u qaabilsan Somalia uu Marar badan ku xadgudbay arimaha gudaha Somalia.

Sidaa darteed wasiirka Arimaha Dibadu waxa uu si buuxda u taageersan yahay go’aankii Raysal Wasaaruhu uu ku caydhiyey, kuna amray inuu 48 saacadood gudahood uu Somalia kaga baxo.

Connect with us on Facebook