Ciidanka Duufaan Ee Ay Shabaabka Isku Milmeen Oo Loo Keeny Qoryaha Diirada Leh Iyo Walxaha Qarxa
Muqdisho,April 11,2022(Haatufonline)-Ciidanka ay isku milmeen xubnaha kooxda Alshabaab ee uu xukumo Fahad Yaasiin ee loo yaqaanno Duufaan ayaa laga cabsi qabaa inay falal khaarajin iyo is-qarxin ah ay la tiigsadeen xubno ka tirsan mucaaridka,diblomaasiyiinta Somalia ku sugan iyo qaar ka mid ah xarumaha dawladda sida Baarlamaanka.
Ciidankan oo uu Fahad Yaasiin si gaar ah u qortay ayaa la aaminsanyahay in loo adeegsaday fulinta gaboodfallo ka dhacay dalka Somalia mudadi uu Fahad Yaasiin ahaa agaasimaha laanta nabadsugidda Somalia ee Nisa iyo intii ka dambaysayba.Duufaan ayaa sida la xaqiijiyey waxay ku hubaysanyihiin qoryo leh qalabka habeenkii wax lagu arko(night vision) iyo waliba 18 qori oo ah nooca diiradda leh oo la sheegay in Fahad Yasiin kasoo iibiyey mid ka mid ah dalalka jaarka ah.Waxa intaas u dheer qalabka qaraxyada lagu fuliyo.