Latest News

Rooble,Lafta Gareen Iyo Muuse Geele Oo Soo Gabagabeeyey Mustaqbalki Siyaasadeed Ee Farmaajo

Muqdisho,April 14,2022(Haatufonline)-Raiisal Wasaaraha Somalia Xuseen Maxamed Roonle ayaa maanta ku guulaystay inuu hirgaliyo dhaarti xubnaha Baarlamanka cusub ee Somalia taasoo maanta lagu qabtay sidii balantu aheyd teendho la dhigay xerada loo yaqaan Afisyooni oo ku taalla xayndaabka madaarka Muqdisho.

Rooble ayaa dadaal dheer u galay in dhaarta xildhibaandu ay dhacdo 14 April iyadoo uu arintaas garab ku siinayo marwalba guddoomiyaha gudida doorashooyinka heer Federaal (Feit) Muuse Geele Yusuf oo kasoo jeeda Bosaaso,waxaseh soo waajahay carqalado farabadan oo uu Farmaajo hordhigay si aanay dhaartu u hirgalin.

Waxaseh xusid mudan hadii ninka ay Farmaajo xulafada ahaayeen oo ah madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdulcasiis Lafta Gareen aanu aakhirkii ogolaanin in xildhibaanada dawlad deegaankiisu ay ka qaybgalaan xafladi dhaarinta ee maanta  dhacday ay munaasabaddaasi dhicisoobi laheyd oo uu wali halkiisii taagnaan lahaa muranki dib u dhigay dhamaystirka doorashada Somalia mudo hal sano ka badan.Laakiin Lafta Gareen wuxu eegay dantiisa waayo mudo dheer kuma hortaagnaan kareen xildhibaanadiisa magaalada Baydhabo ee uu markii hore kusoo xareeyey si aanay dhaarta uga qaybgalin.

Hadaba dhaarta maanta iyo doorashada guddoomiyeyaasha ku meel gaadhka ah ee Baarlamanka oo ah laba nin oo reer Mudug ah ayaa waxay waqcad weyn oo siyaasadeed ku noqotay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyadoo ay waliba u raacday in qabashada doorashadi Garbahaaray ee uu isku halaynayey kuraasteeda loo badalay Ceel Waaq oo uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe iyo kursigii saaxiibkiis Fahad Yaasiin oo natiijadii doorashadiisa la laalay.

Waxa la odhan karaa in mustaqbalkii siyaasadeed ee Farmako ay soo gabagabooyeen guuldarooyinkaa sadexda ah  ee sida darandooriga ah u cuskaday maanta oo aheyd 14 kii April. Ninkii khudbaddisii 12 ki bishan dadka qabyaalada ka waaninayey ayaa waxa ceeb ugu filan in beeshi uu ka dhashay ay kaligeed ka maqnayd xubnihii baarlamanka ee la dhariyey maanta taasoo uu isagu ugu wacnaa.

Doorashadan Somalia ayaa noqotay tii ugu mudada dheereed uguna musuqmaasuqa badneyd ee adunka ka dhacda.Qorshaha ay siyaasiyinta Somalia ku heshiyeen ayaa marki hore ahaa inay doorashadu noqoto mid dadban taasoo marki dambe isu badashay in madaxda dawlad goboleeyada mid walba uu soo magacaabo cidda deegaankiisa ka galaysa baarlamanka iyadoo Farmaajo laftiisu uu kula tartamay hanashada kuraastaasi isagoo isticmaalayey waxay dawladdu awood iyo aduun lahayd.

Connect with us on Facebook