Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Oo Ciidamada Uga Digay Inay Ku Milmaan Siyaasada
Muqdisho, May 3 2022 (Haatufonline) – Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeedhay maanta dhammaan saraakiisha ugu saraysa ciidamada kala duwan ee Soomaalia. Waxaana kulan uu la yeeshay diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu Saraakiisha ciidanka uga digay in aanay ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku yeelanayso Madaxweyne la doortay.