Latest News

Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranka Somaliland Oo Diyaargarow Ugu Jira Xuska 18-ka May

Hargeysa, May 5, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada kala Duwan ee Qaranka Somaliland ayaa todobaadadii u dambeeyey ku jira diyaargarowga Xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May.

Waxaanay Ciidamada Qaranka ee Milatariga, Booliska, iyo Asluubtu ay gaardis iyo dhoolatus ay ugu diyaargaroobayaan maalinta dib ula soo noqoshada Qaranka Somaliland 18 May 1991kii oo laga joogo 33 sanadood ay ku samaynayeen xerooyinla iyo talisyadooda kala duwan.

Maanta oo bisha May ay shan tahay oo maalmo koobani ay inaga xigaan dabaaldega ayaa Ciidanka Asluubta Somaliland, oo ku jira diyaar garowgii u danbeeyay ee xuska maalinta Qaran ee 18-ka May ayaa soo bandhigay doyaargarowgooda.

Ciidanka  Asluubta yaa saaka badhtanka kaga jiray dhoolatus iyo gaardis ay ku muujinayaan, cududooda iyo tayadooda.

Waxaana kasoo qaybgalay diyaargarowgaasi ay ku gaardiyayaan Taliyaha, taliye ku xigeenka Asluubta iyo wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.

Connect with us on Facebook