Latest News

Waa Kuma Hogaamiyaha Somalia Kasaari Kara Mixnadda Ay Ku Jirto Alshabaabna Ka Dhicin Kara

FAALO

Xuseen Colaad

May 7, 20220(Haatufonline).

 

Somalia waxay ku jirtaa mixnad.Waxa haysata ammaan darro xadka dhaaftay.Nolashi dadka ayaa gashay cidhiidhi aan hore loo arag.Magaooyinka iyo goboladu way kala xidhanyihiin oo wadooyinkii u dhaxeeyey waxa badankoodi gacanta ku dhigay kooxda Alshabab ama cabsi laga qabo darteed ayaan loo marin.Madaxda dawladdu iyagu waxay laasimeen gaadiidka cirka laakiin dadka danyarta ah ee safrayaa waxay ku qasbanyihiin inay silic iyo lacag baad ah ku maraan jidadka Alshabaab hoosyimaadda.Intaas waxa dadka u dheer qaraxyada joogtada ah ee ay argagixisada Alshabaab ku hayaan.

 

Hadaba dalka caynkaas ah ee dhigii dadkiisa la xalaashaday in la daadiyo hadh iyo habeenba ma xamili kara in afarta sanadood ee soo socdana uu kusii jiro mixnaddan iyo kadeedkan?.Mise waxa loo baahanyahay in la helo hogaamiyehii dalkan majaraha u qaban lahaa ee nabad iyo xasilooni dib ugu soo dabaali lahaa?.

 

Somalia mushkiladdeeda kowaad,labaad iyo sadexaadba waa nabadgelyo darro.Hadii aanay nabadgelyo jirin nololina ma jiri karto.Hadaba marka la eego ragga isa-soo safay ee uu sharaxan kursiga u sareeya dalka ee hadana la isweydiiyo kooda ugu haboon ee Somalia ka dhicin kara hororka Alshbaab ,waxa aan shaki ku jirin in Sheekh Shariif Axmed yahay ka kaliya ee leh waayo-aragnimo iyo wadno uu Alshabaab kula dagaalami karo kagana guulaysan karo.

 

Sida kaliya ee Somalia nabad iyo xasilooni dib loogu soo dabaali kara waa kooxda Alshabaab oo laga qabto.Waxba yaan been la isu sheegin.Ninka kaliya ee hore loosoo tijaabiyey ee dhisi kara ciidanki Somalia ka xoreyn lahaa Alshabaab waa Sheekh Shariif.

Connect with us on Facebook