Latest News

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Norway

Hargeysa, May 11, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey Dalka Norway oo uu hogaaminayey Safiirka Nairobi u fadhiya dalka Norway Ambassador Haakon Svane ayna wehelinaysay Sarkaal sare ka socdey Wasaaradda Arimaha Dibedda Norway Mss Heidi Johansen iyo madax kale oo ka socotey Hay’adda Safety World.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dawladood, iyada Dawladda Norway ay qayb ka tahay Sanduuqa horuumarinta Somaliland ee SDF, iyada oo safiirkuna balan qaaday in ay Somaliland si dhow ugala shaqaynayaan horuumarinta iyo nabadgelyada.

Dhinaca kale wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu war-bixin guud weftiga ka siiyey xaalada nabadgelyo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo weftigu Somaliland ku ammaanay horuumarka muuqda iyo nabadgelyada dalka ka hano qaaday.

Weftigan ayaa intii ay dalka joogeen waxay booqdeen Gobolka Sool, halkaas oo ay ku soo arkeen nabadgelyada ka jirta Gobolka iyo mashaariicda horuumarineed ee ka socda, iyagoo oo balan qaaday in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha kala shaqaynayaan xoojinta nabadgelyada iyo dhismaha Nabadda, taasoo Jamhuuriyadda Somaliland ku soo caano maashay.

Connect with us on Facebook