Latest News

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay 5 Xubnood Oo Al-Shabaab Ka Tirsan

Beer-xaani, June 4, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada Maraykanka ayaa fuliyay duqayn dhinaca cirka ah Jimcihii shalay, taas oo lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somalia.

Weerarkan Duqeynta ah ayaa yimid kadib markii kooxda Al-shabaab ay soo weerartay ciidamada dawlada Sommalia oo ku sugnaa deegaanka Beer-xaani.

Waxaanu weerarkani uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu amar ku bixiyay bishii May in ciidamo badan oo Maraykan ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Maraykanku inuu fuliyay weerarkaas isagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee ciidanka Soomaaliya Jeneraal Axmed Tareedishe oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa bogaadiyey dagaalka ay macawiisleyda gobolka Hiiraan kala hor tageen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga hadlay dagaal 2-dii bishaan lagu dilay ku dhawaad 20 Shabaab ah oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Booco oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas oo ay qaadeen Macawiisley ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa loogu aar-guday Nabadoon lagu magacaabi jiray Cali Dheere oo 27-kii May lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne, xilli habeen ah.

Nin ka mid ah ragga weeraray Al-Shabaab ee beesha Xawaadle oo laba maalmood ka hor la wareystay ayaa sheegay inay weerarka ka hor la xariireen kooxda, iyagoo weydiiyey sababta loo dilay Nabadoonka, balse wuxuu sheegay in si kibir ku jiro ay ugu jawaabeen, iyagoo uga been abuurtay inuu ku jiray ergadii xildhibaanada soo dooratay.

Connect with us on Facebook