Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Ciidamada Somalia Isku Soo Dhiibay, Kana Hadlay Sababta Isa Soo Dhiibistiisa
Baydhabo, June 6, 2022 (Haatufonline) – Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo magaciisa afgarashadu yahay Lagooye, kadib markii uu isa-soo dhiibay.
Lagooye ayaa ka tirsanaa Al-Shabaab muddo saddex sano ah, kaas la sheegay inuu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhadaha, isagoo ka soo qeyb qaatay dagaalo dhowr oo ka dhacay deegaano katirsan gobolka Baay.
Cabdiraxmaan Lagooyo oo warbaahinta la hadlay ayaa ku sheegay sababta uu isku soo dhiibay “inay jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ah” oo ay kooxdu ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay xubnaha kale ee weli ku jira kooxda inay iskaga soo baxaan, islamarkaana aanay qeyb ka noqon dhibaateynta shacabkooda.
Saraakiisha ciidamada qeybta 60-aad ayaa dhankooda soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo isku soo dhiibay, iyaga oo xusay in weli fursad haystaan xubnaha kale ee Al-Shabaab si ay isugu soo dhiiban.
Si kastaba, xubnaha Al-Shabaab ka tirsanaa ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa bilihii u dambeeyay soo kordhayay, ayada oo si wanaagsana loo soo dhaweynayay.