Hawlgalada Ka Dhanka Ah Alshabaab Oo Kordhay Marki U Farmaajo Xilka Ka Dagay
Muqdishu,June 13,2022(Haatufonline)- Ku dhawaad bil ayaa laga joogaa Intii uu Farmaajo xilka madaxtinimada dalka Somalia ka dagay hasayeeshee waxa mudadaas gaaban kordhay weerarada qorshaysan ee ay ciidamada dawladdu ku qaadaan ururka Alshabaab taasoo khasaare naf iyo maalba leh durtaba soo gaadhsiisay kooxda xagjirka ah.
Weeraradan oo yoolkoodu ahaa bartilmaameedyo inta badan ku yaalay gobolada Shabeellada Hoose,Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa siday sheegeen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada dawladu waxa sadexdi todobaad ee u dambeeyey Alshabaab lagaga dilay tiro aan ka yarayn 100 qof oo qaarkood yihiin masuuliin sar sare halka qaar kalena nolol lagu qabtay.
Waxa kale oo xusid mudan in isla mudada kor ku xusan ay siyaadday tirada xubnaha Alshabaab ee ciidamada dawladda isu soo dhiibaya. Dhinaca kale madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sh Maxamuud ayaa mudadi la doortay ka dib ku cel celiyey dhawr jeer inuu dagaal adag la gali doono Alshabaab si ciidamada dawladdu ay dib uga qabsadaan deegaanada miyaga ah ee ay ku dhuumaalaystaan kadibna uu furo wadahadal ay dawladdiisu la yeelato madaxda Alshabaab.