Guddida Gurmada Iyo Injineerada Dib U Dhiska Suuqa Waaheen Oo Kulan La Qaaday Dadka Qayb Ahaan Lahaa Dhismayaasha Suuqaasi
Hargeysa, June 19, 2022 (Haatufonline) – Guddida Heer Qaran ee Gurmadka iyo Taakuleynta Suuqa Waaheen oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah Guddida Injineerada ee dib u dhiska suuqaasi ayaa kulan la qaatay dadkii shacabka ahaa ee lahaa qaybo ka mid ah dhismayaashii ku waxyeeloobay masiibadii ka dhacday suuqaasi
Kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxa ay guddida ku siiyeen warbixin dhamaystiran oo ku saabsan halka uu marayo dib u dhiska suuqaasi mulkiilayaasha dhismayaashaasi, iyadoo guddida iyo mulkiilayaashaasi ay ku heshiiyeen in 12-bisha July wixii ka horeeya la soo gabagabayn doono nashqada iyo darsida xaalada dhismayaasha ka bad-baaday masiibadaasi, iyadoo markaas ka dib la isla dajin doono qorshaha guud ee dib u dhiska suuqa, isla-markaana maalinta bariya la kala saari doono shirkadiha soo xaraystay nashqada guud ee suuqa.