Xasan Sheekh Iskamuu Soojeedin In Alshabaab Wadahadal Lala Galo Ee Waxbu Ogyahay
Muqdisho,June 22,2022(Haatufonline)-Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud mar uu dhawaan ka hadlayey sida u u waajhi doono kooxda Alshabaab ayaa waxa uu sheegay inuu dagaal culus la gali doono si u uga xoreeyo dhulka miyiga ah ee ay haystaan gaar ahaan deegaanada Shabeellada dhexe iyo shabeellada hoose taasoo uu yidhi waxay muhiim u tahay sugidda amniga caasimadda Muqdisho ee ay Ashabaab la beegsato qaraxyada joogtada ah.
Hasan Sheekh Istiraatiijiyadda uu sharxay inuu Alshabaab kula tacaali donaa intaas kumay koobneyn ee waxa qorshahiisa dagaal uu ku ladhay in marka Alshabaab awood ahaan la jilciyo uu wadahadal la gali doono.
Inkastoo fikradda wada hadalka ee Xasan Sheekh ku dhawaaqay aad loola yaabay marki hore haddana marka arintan loo kuur galo waxa soo ifbaxaya in madaxweynuhu aanu hadalkan iska odhan balse uu tixraacayey xoogo ku dhiiri galiyey inuu arinta wadahadal Alshabaab lala yeesho uu badka soo dhigo.
Hadaba maxay noqon karaan xogohaasi?
Waxa jirtay in mudooyinkan dambe ay sii xoogaysteen khilaafaadkii iyo kala shakigii ka dhex aloosnaa ururka Alshabaab iyadoo khilaafka ugu weyni ka taagnaa dhibaatoyinka ay qaraxyadu u geystaan dadka rayidka ah een waxba galabsan iyo cashuuraha laga qaado dadka danyarta ah xili ay abaaro iyo cuduro saameeyeen dhulka ay Alshabaab ka taliso. Waxa kale oo jirta cabsi xooggan oo ku habsatay madaxda Alshabaab oo ka dhalatay duqaymihi cirka ee Maraykanka oo soo noqday. Qodobadaas iyo asbaabo kale oo yar yar oo isbiirsaday ayaa waxa ka dhalatay dood qaar ka mid ah madaxda Alshabaa dhexdooda ah oo odhanaysa waan in sidii Daalibaan wada xaajood lala galaa xukuumadda Somalia oo xabad joojin la ogolaadaa si ay xarakaddu u hesho waqti ay kaga soo kabato khasaarihi iyo burburki kasoo gaadhay duqaynti oo ay dib iskugu dhisto .
Xasan Sheekh waa nin wax og oo soojeedintiisa ah in dawladda iyo Alshabaab soo wada fadhiistaan miiska wadahadalka iskamay iman ee waxa u u cuskaday xogo uu ku kalsoonyahay oo jira.