Taliska Ciidamada Danab Oo Ka Hadlay Dagaal Al-Shabaab Lagaga Dilay 40 Dagaalyahan
Hiiraan, July 3, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay dileen ku dhawaad 40 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
War qoraal ah oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda oo kasoo baxay ciidanka Danab, ayaa lagu sheegay intii uu socday howlgalkani in ilaa 40 dagaalyahanno ah, oo ay ku jiraan saraaakiil sare sare lagu dilay, baabuurna la gubay.
Warkan kasoo baxay taliska Danab, ayaa kusoo beegmaya, xilli isla maanta Alshabaab ay shaaciyeen khasaaraha ka dhashay weerar ay ku qaadeen kolonyo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Alshabab ayaa sheegay inay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku weerareen duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo khasaare xoogan lagu gaadhsiiyey ciidankii uu watay guddoomiye Jeyte, sida Alshabaab ay sheegeen.
Alshabaab ayaa gacanta ku haysa deegaano badan oo miyi ah oo ku yaala Shabeeladda dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo la aaminsan yahay inay kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka ah Hirshabeelle.