Qadar Oo Bixinaysa Lacag Madaxfurasho Ah IyoTaliye Odowaa Oo Saraakiil Eritrean Ah Kula Shiray Dooxa
Dooxa,July 5,2022(Haatufonline)-Taliyaha ciidanka Somalia Odowaa Yuusuf Raage ayaa booqosho qarsoodi ah ku tagay dalka Qadar iyadoo uu magaalada Dooxa kula shiray wafdi saraakiil Eriteriyaan ah.
Inkastoo aan la shaacin waxa uu shirkaasi ku saabsanaa hadana siday Haatufonline ogaatay waxay labada dhinac ka wada hadleen dhalinyardi u madaxweynihi hore ee Farmaajo tababarka militari ugu diray dalka Eriteriya sanadihi 2018 iyo 2019 iyo sidii tirada ka nool loogu soo celin lahaa dalkooda Somalia ka dib markii ay dawaladda Qadar ogolaatay inay bixiso lacag madaxfurasho ah oo konton milyan oo doolar ah oo Eriteriya ku xidh-dhay sii daynta dhalinyaradaasi taasoo ay ku macneeyeen kharashkii ku baxay tababarkoodi.
Ogolaanshaha Qadar inay bixiso lacagtaa madaxfurashada ah waxa ka shaqeeyey madaxweynaha Turkiga Dayib Ordogan oo xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw la leh dalka Qadar kadib markii ay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ku kulmeen caasimadda Turkiga oo uu Xasan Sheekh booqasho maalmahanba ku joogay.Madaxweynaha Turkiga ayaa Xasan Sheekh ku cadaadiyey inuu isku soo dhaweeyo isaga iyo dalka Qadar taasoo uu marki dambe ka yeelay .