Latest News

Wadooyin Ku Yaala Degmada 31ka May Oo Banayn Iyo Daamur Saarid Lagu Sameeyey

Hargeysa, July 6, 2022 (Haatufonline) – Maalmihii u dambeeyey Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa degmooyinka Caasimada ka waday hawlgalo lagu banaynayo jidad, halka kuwo kalena la sameeyey oo daamar la saaray.
Waxaana jidadkan Dawlada Hoose ay samaynayso oo bulshada caasimadu ay baahi wayn u qabeen ka mid ah Wadada marta Pepsi’ga, qabteeda Ina-Naxar ee Degmada 31ka May oo ayaa maanta Daamur la saaray.
Sidoo kale Maamulka Degmada 31 May ayaa ku hawlan xiligan wado banayn ay maalintii shalay ka bilaabeen Xaafadaha Boqol jire iyo Isha Bootama.
Waxaana hawlgaladan horkacayey Masuuliyiinta degmada 31-ka May iyo shaqaalaha kale oo adeegsanayey Cagacagafyo iyo Iskarogooyin.

Connect with us on Facebook