Latest News

Muxuu Ka Koobanyahay Xeerka Uu Ansixiyey Golaha Wakiilada Maraykanku Ee Ku Saabsan Somaliland.

Washington,July 16,2022(Haatufonline)- Aqalka Wakiilada ee dalka Maraykanka ayaa todobaadkan meel mariyey Xeer ku saabsan yagleelida iskaashi diblomaasiyadeed iyo mid milatari oo dhex mara Maraykanka iyo dalka Somaliland.

Hadadaba muxu xeerkani ka koobanyahay waana maxay ujeedada laga leeyahay iyo faiidada ugu jirta labada dhinac?

Xeerku waxa uu sharciyan faraya xukuumadda Maraykanka gaar ahaan wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga inay inta ka horaysa bisha May 2023 soo sameeyaan daraasad ay kaga warbixinayaan sidii ay Maraykanka iyo Somaliland ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyadaa amniga iyo diblomaasiyadaba isla markaana ay u wada yeelan lahaayeen xidhiidh ay iskaga garabsadaan xoogaga ku lidiga ah nabadagelyada iyo xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Berbera ( Cadmeed ) ee saamaynaya danaha labada dalba.

Mashruucan waxa fikrad ahaan markiisii hore soo jeediyey markii dambana in xeer laga dhigo isku raacay labada gudi ee arimaha dibadda u qaabilsan Wakiilada(aqalka hoose) iyo Senate-ka(aqalka sare) waxaana marki dambe ku biiray oo taageeray xubnaha Gudida Arimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Golaha Wakiilada kuwaasoo  markii ay ka munaaqashoodeen arintan cod isku raacay in Xeerka la horgeeyo Goleweynaha Wakiilada iyadoo qoraalka hordhaca ah ee ay Xeerka u sameeyeen ay ku sheegeen ” in Somaliland ku taalo buqcad ahamiyad weyn oon la iska indhotiri kareyn leh maa daama ay kulaalaysa marinada istraatiijiga ah eebiyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed isla markaana ay jiraan dano ay Somaliland iyo Maraykanku wadaagaan iyo waliba Somaliland oo leh hanti ay ka faaiidaysan karaan ciidamada Maraykanku,sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in iskaashiga kor ku xusani dhexmaro Maraykanka iyo Somaliland oo labaduba ay iskaga midyihiin ku dhaqanka dimuqraadiyadda”.

Waxa xusid mudan in Tiim Maraykan ah oo ka kooban kontomeeye qof uu booqasho sahamin ah bishi August 2021 ku tagay Berbera halkaas oo ay soo eegeen dekadda iyo madaarka ku yaal magaaladaaas isla markaana kulamo la qaateen qaar ka mid ah masuulinta Somaliland. Warbixinti ay socdaalkoodi ka bixiyeen ayaa iyaduna door mudakar ah ka ciyaartay dhiiri galinta xildhibaanadi u tafaxaytay hirgalinta xeerka waajibinaya in iskaashi ciidan iyo diblomaasiyadeed dhexmaro Somaliland iyo Maraykanka.

Hadaba markay noqoto dhinaca amniga, Maraykanku waxa uu isticmaali doonaa dekadda Berbera oo maraakiibtooda dagaalku kusoo xidhan doonto markay u baahdaan iyo madaarka weyn ee halkaas ku yaala. Maraykanku waxa kale oo ay tababar siin doonaan ciidamada Somaliland. Waxayaabaha ka mid ah iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac waxa ka mid ah in xogaha la is dhaafsado ama la isu gudbiyo iyadoo laga hortagayo tahriibta dadk,hubka iyo duurjoogtaba .

Dabcan waxa dalka Maraykanka kusii kalifaya inuu Somaliland la yeesho xidhiidh kii hore mid kasii balaadhan waxa weeye labada quwadood ee Shiinaha iyo Ruushka oo damacsan inay isku balaadhiyaan mandaqadda albaabka koonfureed ee Badda Cas iyo marinka Gacanka Berbera ee ay Somaliland fadhido halkay ku kilmaan taasoo uu Maraykanku maagganyahay inuu kaga hortago iskaashigan. Dhinaca kale Maraykynku waxa uu ogyahay in Somalia aanay dhabahaan laba siyoodba u buuxin karin kaalinta Somaliland. Waa marka hore eh Somalia jugraafiyad ahaan kuma agtaalo xadna lama laha Badda Cas iyo Gacanka Cadameed . Waa marka labaade dawladda Somaliland iyada ayaa dhulkeeda wada xukunta, Somaliana wax talo iyo awood ah oo ay ku leedahay ma jirto. Somaliland taageeradda ciidan iyo dhaqaale ee ay xidhiidhkan balaadhay ka heli doonto ka sakow waxay kaga faaiidaysan doontaa waxtarka ay wada shaqaynta Maraykanku usoo jiidi doonto dhinaca diblomaasiyadda.

 

 

Connect with us on Facebook