Latest News

Gobolka Soomaalida Itoobiya Oo Loo Qondeeyey 50% Gaska Ku jira Oo Lagu Qiyaasay 7 Trillion Cubic Feet.

Addisababa,August 27,2022(Haatufonline)- Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Itoobiya ayaa shalay la gudoonsiiyey shahaadad muujinaysa xajmiga Gaska iyo Saliidda ku jira dhulka dawlad deegaaka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Takela Uma ayaa shahaadadaasi ka gudoomay, shirkad Maraykan ah oo iyadu soo samaysay diraasadda ku saabsan gaska iyo saliidda qiyaas ahaan ku duugan dhulka Itoobiya oo idil, waxaana la xaqiijiyey in dhulka Soomalida uu ku hoos jiro gas lagu qiyaasay 7 trillion cubic feet.

Dawladda Itoobiya waxay sheegtay in haatan la gaadhay waqtigii ay shirkadaha caalamka ee shidaalka qoda usoo bandhigi lahayd inay usoo tartamaan qandaraaska qodista gaska iyo batroolka Itoobiya.

Iibka waxsoosaarka gaska ayaa 50% loo qoondeeyey gobolka wax laga soo saarayo halka 50% soo hadhay ee dawladda dhexe yeelan doonto oo walba 25% ka mid ah ay siin doonto gobolada kale e dalka.

Connect with us on Facebook