Latest News

Alshabaab Oo Lumisay Kalsoonidii Iyo Taageeradii Alqaacida Kadib Markii Uu Khilaaf Weyni Soo Kala Dhexgalay

Muqdisho,August 28 20220(Haatufonline)-Waxa ururka Alqaacida caado u ahaan jirtay in sanadkasta ugu yaraan laba jeer ay fariimo iyo bayaanno boogaadin ah usoo diraan kooxda Alshabaab ee ka hawlgasha dalka Somalia.

Hasayeshee muddo hadda kor u dhaaftay afar sanadood, warbaahinta Alqaacida lagama maqal wax bayaan ah oo ay ku taageerayaan kooxda ay isku xidhnaayeen ee Alshabaab,waxaana soo ifbaxaya warar sheegaya in Alqaacida ay kalsoonidi kala noqotay xidhiidhkiina u jartay Shabaabka .

Siday ilo u dhuun daloola arintani ay sheegeen kala-xidhiidh- furashada labada dhinac ayaa waxay timid ka dib markii ay kooxda Alshabaab iska dhego marisay tusaalooyin iyo ammaro ay Alqaacida usoo dirtay inay ku dhaqmaan kuwaasoo intooda badani ku saabsanaayeen dadka rayidka ah ee faraha badan ee ku dhinta hawlgalada qarxinta ah ee ay Shabaabku fuliyaan.

Siday ilahaasi sheegeen ururka Alqaacida ayaa madaxda Alshabaab xoog ugu canaantay qaraxi isgoyska Soobe ee boqolaalka dadka rayidka ahi magaalada Muqdishu ku dhinteen sanadki 2017,waxaanay u sheegeen inay iska ilaaliyaan daadinta dhiiga dadka shicibka ah een waxba galabsan balse ay yoolkooda ku eekaysiiyaan waxay ugu yeedheen cadawga dhabta ah ee Muslimka.

‘Waxa kale oo Alqaacida diideen in shicibka Somalia oo dhan lagu sheego dad murtaddiin ah oo dhigoodu xalaal yahay’

“Inkastoo jawaabta ay madaxda Alshabaab kaga falceliyeen arintan aheyd inay aqbaleen awaamiirta la siiyey hadana waxba iskama badalin qaabki arxandarada ahaa ee ay ku layn jireen muslinka rayidka ah markastoo ay hawlgal fuliyaanba, taasoo ka cadhaysiisay ururka Alqaacida isla markaana keentay in Alqaacida iska fogayso xidhiidhkana u jarto Alshabaab iyadoo ilaashanaysa sumcaddeeda” ayey ilahaasi yiraahdeen.

Connect with us on Facebook