Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Oo Maanta Xoriyaddoodii Usoo Celisay Eedaysanayaal U Xidhnaa Madaharaadadii Horaantii Bishan Ka Qabsoomay Hargaysa.
Hargeysa,August 28,2022(Haatufonline)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xoriyadoodii usoo celisay Eedaysanayaal u xidhnaa mudaharaadadii horaantii bishan ka qabsoomay magaalada Hargeysa.
28/08/2022- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa Axada maanta xoriyadoodii u celisay 53 eedaysane oo lagu xidhay mudaharaadadii ay Xisbiyada Mucaaradku ku qabteen magaalada Hargeysa 11-kii bishan, eedaysanayaashan oo ay tiradoodu dhamayd 70 qof ayaa saaka Maxkamaddu dambiyadii ku wayday 53-kamid ah isla markaana xoriyadooda dib ugu celisay. Muwaadiniinta xoriyadooda dib u helay ayaa iskugu jiray 24 haween ah oo ku xidhnaa xabsiga Gabilay, 26 wiil oo ku xidhnaa xabsiga Madheera iyo saddex wariye oo arrintan u xidhnaa.
Sidoo kale Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa amartay in 17-ka eedaysane ee wali xabsiga ku xidhan lagu soo dhamaystiro eedahooda muddo 7 cisho gudahood ah si ay iskaga difaacaan eedaha loo haysto.